Amiir Harry, oo ah amiirka ugu sarreeya ee boqortooyada dhanka Sussex ayaa BBC-da u sheegay in uu "jeclaan lahaa in uu dib ula heshiiyo" Qoyska Boqortooyada, isagoo si murugo leh u muujiyay sida uu uga niyad jabay kadib markii uu ku guuldarreystay dacwad uu ku doonayay in dib loogu soo celiyo ilaaladiisa amni ee UK.
Amiir Harry ayaa sheegay in Boqorka (aabbihiis) "uusan ila hadlin sababo la xidhiidha arrinta amniga," balse uusan doonayn inuu sii dagaallamo maadaama aabbihihii inta uu sii noolaanayo aan la hubin.
Amiirku wuxuu BBC News kula hadlay gobolka California kaddib markii uu lumiyay rafcaan uu ka qaatay go'aan la xidhiidha heerka amni ee isaga iyo qoyskiisa xaqa u leeyihiin inta ay UK ku sugan yihiin.
Aqalka Buckingham wuxuu yidh: "Dhammaan arrimahan si isdaba joog ah iyo si qoto dheer ayaa maxkamaduhu u eeggeen, iyadoo mar walba laga gaadhay isla gunaanadkii hore."
Kadib go'aankii maxkamadda Jimcihii, amiirku wuxuu sheegay: "Ma arko xaalad aan ugu celin karo xaaskayga iyo carruurtayda UK xilligan la joogo."
"Waxaa jiray khilaafyo badan oo naga dhexeeyay aniga iyo qaar ka mid ah qoyskayga," ayuu sii raaciyay, balse hadda "waan cafiyay."
"Aad ayaan u jeclaan lahaa in aan dib u heshiino aniga iyo qoyskayga. Ma jirto wax faa'iido ah oo ku jirta dagaal joogto ah, noloshu waa mid qaali ah," ayuu yidhi Amiir Harry, isagoo xusay in muranka ku saabsan amnigiisa uu "had iyo jeer ahaa arrinta caqabaddu ka jirtay."
Amiirku wuxuu doonayay inuu baabi'iyo isbeddeladii lagu sameeyay ilaaladiisa amni ee la hirgeliyay 2020, markaas oo uu iska casilay waajibaadkii boqornimada isla markaana uu u guuray Mareykanka.
Isagoo sheegay inuu dareemayo in "si xun loola dhaqmay", ayuu Amiir Harry ku tilmaamay guuldarradiisa maxkamadeed mid ah "daldalool qadiimi ah oo si qorshaysan ah loo sameeyay oo ay ka dambeysay hay'adda boqortooyada." Wuxuu eedda dusha ka saaray qoyska boqortooyada oo uu ku eedeeyay in ay saameyn ku yeesheen go'aanka lagu dhimay ilaaladiisa.
Markii la weydiiyay inuu Boqorka ka codsaday inuu ku farogeliyo muranka amniga, Amiir Harry wuxuu yiri: "Marnaba kama codsanin inuu farogelin sameeyo — waxaan ka codsaday keliya inuu meesha ka baxo oo uu u daayo khubarada inay shaqadooda gutaan."
Amiirku wuxuu sheegay in hab-dhaqankii lagu wajahay arrinta amnigiisa "ay u iftiimisay cabsidii ee uu qabay."
Wuxuu ka yiri go'aanka: "Aad baan u niyad jabay — ma ahan keliya sababta aan u guuldareystay, balse cidda ka dambeysay go'aanka, oo u aragta inay arrintani tahay wax la aqbali karo. Ma guul bay u tahay?"
Isaga oo sii sheegay: "Waan hubaa in ay jiraan dad arrintan guul u arka, gaar ahaan kuwa i neceb ama i dhibaya — waxay u arkayaan guul weyn."
Amiir Harry wuxuu sheegay in go'aanka lagaga qaaday xaqiisii ilaalinta tooska ah uu saameyn ku leeyahay "maalin kasta oo noloshiisa ah", isla markaana uu hadda ku qasban yahay inuu si ammaan ah ugu soo laabto UK keliya haddii qoyska boqortooyada ay si rasmi ah u casuuman – taas oo keliya oo uu ku heli karo ilaalin ku filan.
Amiirku wuxuu intaas ku daray in isbeddelka lagu sameeyay xaaladdiisa amni ee sanadkii 2020 uu saameeyay ma aha isaga oo keliya, balse sidoo kale uu si toos ah u taabtay xaaskiisa iyo carruurtiisa markay dhaleen kadib.