Maayerka degmada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay in ay ilaashadaan Calankooda isla markaana noqdaan kuwo qaranka Somaliland ka shaqeeya wanaagiisa.
degmada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu sidaas ka sheegay mar uu shalay ka qayb galay munaasibad lagu xusayey maalinta qaran ee fooda inagu soo haysa oo ka dhacaysay dugsi ku yaal magaalada Hargaysa kaasi oo sida maayer Mooge sheegay ahaa dugsiguu uu yaraantiisii wax ku soo bartay kana soo baaxay.
"Calanka inagaa iska leh, waanu koraynayaa, dhulkana si wanaagsan oo sharaf leh ayeynu ugu dul noolaanaynaa, waxa la doonayaa in aad qarankiina ilaashataan oo aad daryeeshaan” ayuu yidhi Maayer Mooge.
Maayer Cabdikariin ayaa ardaydii dugsiga joogtay kula dar-daarmay in maalint Xuska 18-Ka May kaga qayb qaataan sidii ay wanaag badan u muujin lahaayeen isla markaana wax kasta oo ummadda dhib u keenaya waddada ka qaadaan, sidoo Kalena ay waddooyinka caasimada ka qaadaan haddiiba ay la kulmaan Qashin wadada dhexyaal.
"Waxa laydiinka baahan yahay in aad xuska wanaag muujisaan, Dhagaxa iyo Qashinka wadada yaal ka qaadaan, waxa laydiinka baahan yahay in aad iskuulkiina Geed ku beertaan” ayuu yidhi Maayerka Degmada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge.