Madaxweynaha Dalka Namibia oo Waxbarashada Sare Ka Dhigaya Lacag La'aan

Monday April 28, 2025 - 12:20:23
hadhwanaag
Nandi-Ndaitwah waxay sheegtay in waxbarashada jaamacadda

 

 

Madaxweynaha cusub ee Namibia ayaa ku dhawaaqay in lacagta fiiga ah ee laga qaado ardayda jaamacadaha laga joojin doono sanadka 2026-ka. Madaxweyne Netumbo Nandi-Ndaitwah, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalkaas, ayaa arrintan ku dhawaaqday xilli ay khudbadeeda ugu horreysay jeedinaysay fiidnimadii Khamiista todobaadkii hore.

 

Iyada oo la hadlaysay goleheeda Baarlamaanka, Nandi-Ndaitwah waxay sheegtay in ardaydu aanay bixin doonin "wax isdiiwaangelin ah ama kharashka waxbarashada” dhammaan jaamacadaha dadweynaha iyo kulliyadaha farsamada.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in aanay jiri doonin wax maalgelin ah oo la taaban karo, taas oo kor u qaadeysa su’aalaha ku saabsan suurtogalnimada nidaamka.

 

Nandi-Ndaitwah waxay sheegtay in waxbarashada jaamacadda ee bilaashka ah ay si tartiib tartiib ah u socon doonto iyo in wax ku darsiga qoys ahaan iyo arday ahaan hadda ay noqon doonto dhinaca hoyga iyo kharashyada kale ee la xidhiidha”.

 

Jaamacadaha Namibia ayaa fiigu hoos u dhacay, iyada oo la tixraacayo hadalka Madaxweynaha, waxaana Jaamacaduhu dalbanayaan in la kabo.

 

Waxa ay sheegtay in lacagi ay ka imaan doonto kaalmooyinkii hore loo siin jiray qaar ka mid ah jaamacadaha dalka iyo lacagta loo qoondeeyay sanduuqa kaalmada dhaqaale ee ardayda.

 

Ku dhawaaqidan arrintan ayaa qaar ka mid ah ururada ardayda ay soo dhaweeyeen, qaar kalena waxay ku dhaleeceeyeen mid aan macquul ahayn oo aan caddayn. Qaar ka mid ah dhadka ayaa sheegay in tan noqon doonto mid aan suurtagal ahayn Jaamacaduhuna aanay aqbali doonin, laakiin ay dawlada cusubi dadka ku dejinayso. Waxa hore lacag la’aan u ahaa waxbarashada hoose iyo dugsiga sare..

     
Loading...