Raysal wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Laascaanood.
Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa si wayn loo adkeeyay ka hor booqshada raysal wasaaraha.
Waxaa halkaasi raysal wasaaraha ku soo dhaweeyay madaxda maamulka SSC-Khaatumo oo uu ugu horreeyo hogaamiyaha maamulkasi Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali.
Waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa kumannaan qof oo maalmihii la soo dhaafay u diyaargaroobayay soo dhoweyntiisa.
Waddooyinka magaalada Laascaanood ayaa waxaa lagu xardhay calanka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa soo dhaweynta.
Ujeeddada booqashada raysal wasaare Xamsa
Rai'sul wasaare Xamsa Cabdi Barre oo dadwaynihii soo dhaweeyay la hadlay ayaa sheegay in safarkiisa uu yahay mid midnimo iyo nabad xambaarsan.
"Kulankeennan ama booqashdeennan waxay xambaarsan tahay midnimo, nabad iyo walaaltinimo Soomaaliyeed, waxaan leennahay Khaatuma ha noolaato dadkeeda ha noolaadaan inaan maanta idinla joogno waana idinla joogi doonnaa," ayuu yiri Xamsa.
Waxaa uu xusay inuu ku faraxsan yahay ugana mahadcelinayo shacabka Laascaanood soo dhaweyntooda.
"Waxaan mudanayaal iyo marwooyin aan ka cudur daaranaynaa oo aan idinka raaligalinaynaa qorraxda kulul iyo muddada dheer ee aad na sugeyseen, waxaan ku faraxsanahay inaan maanta idinla joogno," ayuu intaa ku daray rai'sul wasare Xamsa.
Booqashadan ayaa waxaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay oo rai'sul wasaare dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood.
Maxaa ka mid ah mashaariicda ay dowladda federaalka ka hirgelineyso Laascaanood?
Maamulka SSC Khaatumo oo ah maamul kumeel-gaar ah ayaa wuxuu muddooyinkii u dambeeyay la dalaa dhacayay sidii dib u dhis ay ugu sameyn lahaayeen adeegyada bulshada.
Magaalada ayaa waxaa raad uga tagay dagaalkii cuslaa ee ku dhexmaray ciidamada Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland iyo kuwa deegaanka waxaana ku burburay qaar ka mid ah adeegyadii dadwaynaha.
Xafiiska rai'sul wasaare Xamse oo booqashadan ku tilmaamay mid "midnimo" ayaa dhankooda xusay in mashaariic horumarineed iyo waxqabad ay ka fulin doonaan Laascaanood.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta dowladda federaalka Soomaalia Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in mashaariic dhowr ah laga hirgelinayo magaalada.
Wasiirka oo la hadlayay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka ay xafiis ka furanayaan magaalada, sidoo kalena Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hay'adda Aqaoonsiga iyo Diiwangelinta Qaranka NIRA ay xafiis ka furayaan magaalada.
"Barnaamijyo kalena waan u wadnaa, wax badan baan ugu talo-galnay." Ayuu yiri wasiirka.
Maamulka kumeel-gaarka ee SSC-Khaatumo ayaa dhankooda sheegay in rai'sul wasaaraha inta uu halkasi joogo uu dhagax-dhigi doono mashaariicyo kala duwan.
"Raysal wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa inta uu deegaanka joogo ka shaqayn doono hirgelinta iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed oo taabanaya dhammaan arrimaha bulshada. Sidoo kale raysal wasaaraha ayaa shirar la qaadan doona madaxda maamulka SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada," aya lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada SSC-Khatumo.
Sidoo kale raysal wasaaraha ayaa shirar la qaadan doona madaxda maamulka SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Maxay ka tiri Somaliland?
Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa tan iyo intii uu soo baxay wararka ku aaddan booqashada rai'sul wasaaraha ee Laascaanood waxa ay ka digeysay booqshadiisa.
Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa soo saaray go'aan ay kaga jawaabayaan socdaalka uu Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ku tegay Magaalada Laascaanood.
War-saxaafadeed ay ka soo saareen shir albaabbadu u xirnaayeen oo ay maanta Hargeysa ku yeesheen mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa lagu sheegay in booqashada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood ay tahay faragelin ka dhan ah madax-bannaanida iyo qaranimada Somaliland.
"Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu taageerayaa mawqifka xukuumadda JSL ka qaadatay imaatinka Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya degmada Laas-caanood ee gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland oo faro-gelin qaawan ku ah madaxbannaanida iyo qarannimada JSL, isla markaana wuxuu xukuumadda ugu baaqayaa in ay si deg deg ah ugu diyaargarawdo sugidda iyo ilaalinta xuduudaha qaranka ee ay u xil-saran tahay," ayaa lagu yiri go'aanka ka soo baxay Golaha Wakiillada oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Golahaas Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)
Golaha Wakiillada waxaa uu usoo jeediyey xukuumadda Somaliland in ay laalaan wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya
"Golaha Wakiilladu wuxuu xukuumadda u soojeedinayaa in ay gebi ahaanba laasho isla markaana aanay qayb ka noqon wada-hadal dambe oo ay xukuumaddu la yeeelato maamulka Soomaaliya." Ayuu intaa raaciyay war-saxaafadeedka.
Waxaa kale oo Golaha Wakiilladu sheegeen "in ay beesha caalamka u caddaynayaan in natiijo kasta oo ka dhalata safarka ra'iisal wasaaruhu liddi ku yahay amniga iyo xasillooonida mandaqadda ayna maas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka yimaadda ay qaadi doonto xukuumadda Muqdisho."
Maxay ka dhigan tahy booqashada raysal wasaaraha?
Ra'iisul Wasaare Xamsa ayaa noqonaya ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee burburkii kadib booqashadii magaalada Laascaanood, taasi oo ay dad badan aad u hadal hayaan.
Booqshada rai'sul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa hareeyay muran gaar ahaan Somaliland oo wali u aragta in Laascaanood ay qeyb ka tahay maamulkeeda.
Dr Cabdirashiid Ismaaciil oo ah agaasime ku xigeenka Machadka Cilmi-baarista ee Heritage ayaa qaba in rai'sul wasaaraha sida uu sheegay gudanayo waajibaadkiisa.
"Siyaabo badan baa loo eegi karaa waxa ay booqashada ra'isul wasaaruhu ka dhigan tahay. Lakiin aan u deysanno in, sidii xafiiska Ra'iisul wasaaruhu sheegay, loo arki karo inuu Ra'iisul wasaaruhu gudanayo mas'uuliyaadkiisii caadiga ahaa ee ay kamid tahay inuu dadka Soomaaliyeed ee uu mas'uulka u yahay uu deegaankoodii ugu tegey. Sidii uu asagu garoonka Laascaanood ka sheegayna uu baahiyohooda, oo wax ka qabashada amnigu ugu horreeyo, ka jawaabiddooda uu ugu tegey," ayuu yiri Dr. Cabdirashiid.
Waxaa uu sidoo kale Dr Cabdirashiid farta ku fiiqay in booqashadan ay wxatar lahaan lahayd haddii ay qayb ka tahay dedaal lagu xaqiijinayo guuleysahada baaqii madaxweynaha ee la xiriirey gogol wada-tashi.
"Marka laga eego xaaladda guud ee uu dalku hadda ku jiro, gaar haan inta federaalka ku mideysan, booqashadaasi waxay waxtar Soomaali u noqon lahayd haddii ay qayb ka tahay dedaal lagu xaqiijinayo guuleysahada baaqii madaxweynaha ee la xiriirey gogol wada tashi oo dawladnimada Soomaaliya lagu hagaajinayo. Tusaale ahaan, inay qayb ka tahay qorshe uu Ra'iisulwasaaruhu kusoo aruurinayo Dawlad Goboleedyada dalka, gaar ahaa inta hadda ka taagan wadashaqaynta Dawlada Federaalka ah, si ay qayb uga noqdaan heshiis qaran oo xaaladda taagan looga gudbo. Waxayse booqashada Ra'iisulwasaaruhu ayaandarro noqonaysaa inay qayb ka noqoto siyaadaddii Soomaalida, ee loo joojinmaayada ku dhisnayd, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah" ayuu intaa ku daray.
Dr Cabdirashiid Ismaaciil ayaa hoosta ka xarriiqay qodob uu sheegay inay muhiim tahay kaasi oo ah waxa ugu wayn ee ay maanta daneynayaa dadka SSC-Khaatumo ay tahay in ay qeyb ka noqdaan dowlad goboleedyada kale.
"Rejada ree Khaatumo ee ay sida wayn ugu hanqal-taagayaan waa in ay aqoonsi rasmi ah ka helaan dowladda fedraalka si ay uga mid noqdaan dowlad-goboleedyada." Ayuu yiri.
Guuleed Axmed Dafac oo isna ka faallooda arrimaah Somaliland ayaa dhankiisa qaba in booqashada rai'sul wasaare Xamsa ee Laascaanood ay Somaliland ku tahay culeys soo fuulay.
"Somaliland markii 1991-kii ay ku dhawaaqday gooni-isu taaggeeda waxay ku saleysay dhulkii Ingiriiska gumeysan jiray oo dhan markaa waxay noqonaysaa markii u horreysay oo madax saas u sarreysa oo heer rai'sul wasaare uu soo galo dhulka ay Somaliland sheeganayso taasi waxay Somaliland ku tahay siyaasiyan culeys wayn" ayuu yiri Mr Guueed.
Mr Guuleed ayaa dhanka kale sheegay in sheyga kali ah ee imika la gudboon Somaliland ay tahay "in caalamka kale ay ku dacweyso Soomaaliya."
BBC/SOMALI