Xayawaanka Yeyga ayaa doonayay in ilmihiisa yar siiyo casharo tababar ah oo nolosha la xidhiidha iyo farsamada uu u noolan lahaa isaga la’aantiis.
Waxa uu geeyay goob adhi badani ku daaqayeen, waxaana uu ka dhaadhiciyay in adhigani macaan yahay, ka dibna waxa uu tusay ninkii adhi jirka ahaa oo dhex jooga waxaana u uku yidhi :” Ka digtoonow ninkaas usha weyn sita, waa mid xanuun badane.
Yaygii yaraa waxa uu arkay Ey ag tagaan xaynta adhiga ah iyo ninka adhi jirka ah, ka dibna waxa uu weydiiyay aabihii " Aabo kan inoo eegna muxu ahaa "?
Yaygii weynaa ayaa ugu jawaabay :” " Orod oo baxso markaad aragto bahalkan inoo eeg oo kale. maxaa yeelay wixii nolosheena ka xumaaaday oo dhan waxa sababay kuwa inoo eeg oo aan haddan inaga aan inaga mid ahayn!
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!