Halkaan Iska fiiri Hadaad Ku jirto dadkii xikmadaha Soo Qoray

Monday May 08, 2023 - 12:46:11
hadhawanaag
Sirta farxaddu waa in aad markasta male wanaagsan ka fisho



Sidaan Horay usheegnay postigii Hore inaan Sooqaadan doono xikmadaha Inta ugu macquulsan hadaba halkaan Iska eeg.


1: "Kahor intadan dadka ixtiraamin naftada ixtiraam " -Bashiir qorane

2: Noloshu caqabado kama marna, marka caqabada nolosha haku noqdaan fursado aad naftaada kor ugu qaado, xiriirka Allah wanaaji, aduunkana yuusan ku ilowsin aakhiro Salah AI


3: Xaqa hadaadan ka shaqaynaynin Baadilka ha usacabo Tumin waligaa" - abdi isma'il abdi shucba


4:Amaantu yey ku hodin canaantuna yey ku dumin - Mumtaz Yusuf


5:Nolosha Adduunka wax joogto ah majiraan xitaa intaa noolaneyno wee xadidanthy - Shamso Mahad


6: "Bal hadal aan ku sheego waxaad tahay" - Akram Sheikh Mustafa


7: Walwalku waa sida adigo bixinayaa dayn aan lagugu lahayn oo kalete. - Haldoor CK


8:Wax waliba uma dhici doonaan sidaad qorsheysay ee sida Alle rabo ayay u dhacayaan si kastood u dadaashid, Alle marwalba wuxuu kula doonayaa sida ugu fiican ee ha karhin haday arrimuhu isugu kaa toosi waayeen waxa soo socda jidkii guushee, hana ka caajisin inaad isku dayga wado. - Daganta Rer Dholawa Dholawaa


8: Intaad noqon la yaqaan Kahor noqo wax yaqaan" - Bro Zayn


9: Haisku dayyin inaad rapigaaa ka careeysiiso adoo bini Adam raali Gali isleh - Fatuush Bintu Adam


10: Tagtadaadu yaanay Ku murug galin, Ka qaado wixii cashara .


Taaganta Ka faa,idayso. Allana talo saaro. - Hamse Jamac


11: Sirta farxaddu waa in aad markasta male wanaagsan ka fisho kan noloshaada leh ee u qaybiya irsaaqada sida u doono - Jokaria Moha


12: Hantidaada ugu wayn waa wixii aad taqaano, halistaada ugu wayna waa wixii aadan aqoonin. Mohammet Saed


13: Inaad kufto ceeb ma ah, balse waxaa ceeb ah Inaad dhulka sii fiifto. - Abdiasiis Isack Hussein

14: <Kaliya waxay rabaan inay fahmaan ayumey fahmaan. - Fatha Mohmed Hasen

15: jidhka Waxaa lasiiya cunto maskaxdana xikmadaha"

F.g dadka qaar ayaa isku wada mid soo Qoray markaa Hal uun Baan kasoo qaadanay.


Part 2 maka samaynaya?

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...