Pakistan: Ajnabiga Sharci Darada ah Hanaga Baxaan

Sunday March 09, 2025 - 06:51:21
hadhwanaagnews
wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa ku sheegtay



Wasaaradda arrimaha gudaha Pakistan ayaa jimcihii amartay dhammaan ajnabiga sharci la,anta ah iyo kuwa haysta kaararka ee muwadiniinta Afgaanistaan inay ka baxaan dalkaasi ka hor 31-ka bishan Maarso iyadoo ka digtay in haddii kale la masaafurin doono laga bilaabo Abriil 1deeda.

 

Islamabad ayaa hore ugu eedeeysay muwaadiniinta Afgaanistaan weeraro iyo dambiyo xagjirnimo ah, kuwaas oo ah ee muhaajiriinta ugu badan dalkaasi iyadoo Kabul ay diiday eedeymaha.

 

wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa ku sheegtay hadal ay soo saartay in dalka Pakistan uu ahaa dal si sharaf leh u martigeliya dadka uuna sii wadayo fulinta wajibadka dal shaqsiyaadka sii joogaya Pakistan ay tahay inay buuxiyaan dhammaan sharciyada laga rabo.

 

Pakistan ayaa sanadkii 2023kii bilowday dib u celinta dadka ajnabiga ah ee u badan Afgaanistaaniyiin , balse waxay sheegtay in marka hore ay diiradda saareeyso kuwa aan heeysan warqado sharci ah.

 

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 800,000 oo Afgaanistaan ah in ay dib ugu laabteen Afgaanistaan tan iyo markii uu bilowday ololaha dib u celinta qaxootiga waxaana guud ahaan Pakistan ay martigelisay in ka badan 2. milyan oo qaxootiga reer Afgaanistaan ah oo ka soo tallaabay xadka 40-kii sano ee ay colaaduhu ka socdeen dalkooda hooyo.

 

Voa/somali

     
Loading...