Itoobiya ayaa dhowaan hirgalisay warshad soo saarta hubka oo ka sii iibinaysa suuqyada caalamka, sida uu sheegay ra'iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed.
Abiy ayaa kaga dhawaaqay arrintan muuqaal la soo dhigay baraha bulshada, ka dib markii uu booqday warshada Injineeriyada rasaasta ee Homicho.
Waxa uu 2014 sheegay inay rasaas iibsanayaan, iyada oo 2015 ay bilaabeen asaasidda warshadda hubka. Hadal jeedinta ayaa timid xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa Itoobiya iyo Ereteriya.
Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya xiriirka labada dal in uu u jihaysanayo colaad. Dowlada Ereteriya ayaa soo saartay awaamir ay xubnaheedii hore ee ciidamada ku galinayso tababar, iyada oo kuwa kale ku amartay in aysan dalka ka bixin, sida ay warinayso BBC.
Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in warshad cusub oo hubka samaysa ay asaasayaan dhowaan. ''waxaa Sharaf ii ah oo aan ku faraxsanahay in aan arko xooggan oo lagu dhisay wakhti gaaban oo ka yar labo sanno'' ayuu yiri.
''Waxaan ahay askari, waana fahmayaa waxa ka maqan deegaan Milatari, waan fahmayaa sida ay u adag tahay inta lagu guda jiro howlgalada. Hadda Itoobiya ma walaacsana. Waxa ay leedahay carruur caqli badan, waxa ay leedahay askar geesiyaal ah. Waa ay ka hadashay qaar kamid ah meelaha ay ka liidato ee furaha ah.
Abiy ayaa xusay inuu adeegsan jiray inuu soo dhoofsado dharka Milatariga iyo sidoo kale koofiyadaha ciidamada Itoobiya. ''Hadda, xogagga difaaca qaranka ayaa soo saara dharka milatariga, waxaana ay kala wareegtay shirkada deegaanka'' ayuu yiri ra'iisul wasaare Abiy Axmed.
Warshada hubka Homacho ee Galbeedka Shawa ayaa soo saareysay hubka tan iyo wakhtigii degiga. '' Waxaa jiray isku dayo hore oo lagu soo saarayo rasaas oo Itoobiya ay sameysay, waxaan wadnaa qiimeyn ah haddii Itoobiya aysan sameysan lahayn xooggaas, qof kasta waa uu u imaan lahaa oo si fudud isaga soo weerari lahaa'' ayuu yiri.
Abiy ayaa sheegay in dalkiisa uu u jihaystay soo saarista hubka iyo sii iibintooda.
'' Waxaan galnay heshiis. Waxaynu ku gadnay wax aan ka yareyn $30 milyan oo doolar saddex bilood gudahood''.
Maxaad ka ogtahay Ciidamada Itoobiya
Ciidamada Itoobiya ayaa ku lug lahaa dagaalo dibadda iyo gudaha sanadihii u dambeeyay. Waxaa ay ku lug lahaayeen dagaalka Itoobiya iyo Eretiraya 30-kii sano ee u dambeeyay, iyo iyaga oo ka wada dagaalamay waqooyiga Itoobiya 2 sano ka hor.
Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale ku lug lahaa nabad ilaalinta dhowr dal oo ka mid ah Afrika.
Waxaa ay sidoo kale qayb ka ahaayeen isku dhacyo dhex maray iyaga iyo mintidiinta Oromada iyo Amxaarada iyo gobolo kale.
Global Fire Power oo dib u eegta, sameysana kala sarreynta milatariga dalalka caalamka ayaa 2024 qiimaysay tirada ciidamada iyo hubkooda.
Askarta, dhaqaalaha iyo saadka ayaa door muhiim ah ka ciyaara natiijada ka soo baxda dagaal daba dheerada. Global Fire Power ayaa sheegtay rasaasta, dharka ciidanka , qaybaha badalka, dawooyinka iyo cuntada inay yihiin aasaas.
Ciidamada Itoobiya ayaa ku jira heerka 49-aad ee 145 dal oo caalamka, iyada oo Masar ay ku jirto kaalinta 15-aad.
Afrika ayaa Itoobiya kaga jirta kaalinta shanaad ee 54-ta dal ee Afrika, iyada oo ku xigta Masar.
Itoobiya waxaa ay leedahay 162,000 oo askari. Waxaa ay haysataa Itoobiya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalalka Turkiga, Shiinaha iyo Iiraan.
BBC/SOMALI