Cilmiga maan galka (mandiqa) ayaa waxaa uu yirahdaa:

Wednesday March 05, 2025 - 11:40:48
hadhwanaagnews
Waa arrin laga dhaxlo dad aan go'aan mideysan lahayn



Qofka shay bilowgiisa kula qira, dhamaadkiisana kugu diida, waxaa ka muuqda caqli aan dhameystirnayn.

" tusaale Ahaan qof soomaali ah hadii aad waydiiso dalkeena soo laguma soo duulin? haa buu ku oranaya. dalkeenu soo gacmo shisheeye iyo dad caada qaatayaal ah soo kama dagi la,a? haa

itoobiyaanka iyo cida la halmaasha soo uma socdaan oo dadaal uguma jiraan sidii ay baddeena iyo khayraadkeena kale uqaadan? Haa.

Waayahee ma iska dhicinaa?!

Aaaaaam.... fikir kale ayaad wadaa!"

Waa arrin laga dhaxlo dad aan go’aan mideysan lahayn oo ay ka maqan tahay dulqaadka iyo is-waafajinta fikirka sidoo kale aan lahay qadiyad ay ka midaysanyihin oo ay uhalgamaan. Marka qofku uu bilowga kula ogolaado arrin, waxaa muhiim ah in uu fahmo waxa uu aqbalayo, lana qiyaaso saameynta iyo natiijada ka dhalan karta. Haddii uu markii hore ogolaado isaga oo aan ka fiirsan, dhamaadkana uu kugu diido isaga oo aan sabab cad lahayn, waxay muujinaysaa in caqligiisu uusan u adeegayn sida loogu talagalay. Tani waxay ku tusaysaa qof aan adkeysi lahayn, oo go’aamadiisu ay yihiin kuwo kumeel gaar ah oo ku tiirsan duruufo markaas jira, halkii ay noqon lahaayeen kuwo sal adag leh mabda, ku qotoma, Waxa kale oo ay u muuqataa in qofka noocaas ahi uu yahay mid aan ka fikirin xiriirka ka dhaxeeya ficilkiisa iyo kalsoonida dadka kale ee ku hareeraysan. Caqliga dhameystiran waa midka qofka ka caawiya in uu go’aan qaato oo uu ku adkeysto, iyadoo la tixgelinayo dhammaan dhinacyada arrintaas ku lug leh, si loo gaaro is-waafajin joogto ah.

w/Q/ Abdullaahi Saciid Salaad

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...