Loollanka Ganacsiyeed ee Shiinaha iyo Maraykanka oo dib u Xoogeystay.

Wednesday March 05, 2025 - 06:35:54
hadhwanaagnews
Loollanka Ganacsiyeed ee Shiinaha iyo Maraykanka waa mid soo taxnaa...



Xiisadda ganacsiga ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa mar kale cirka isku sii shareertay, kaddib markii Mareykanka uu kusoo rogay cashuuro culus oo gaadhaya 20% badeecadaha Shiinaha laga keeno, kuwaasoo hirgalay saaka Salaasadii.

 

Dhinaca kale dalka Shiinaha ayaa ku dhawaaqay in cashuuro dheeraad ah oo u dhexeeya 10% ilaa 15% la saaro qaar ka mid ah badeecadaha laga keeno dalka Mareykanka, go’aan kaas oo dhaqan galeya bisha march 10-keeda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda maaliyadda ee dalka Shiinaha.

 

Dalka Shiinuhu waxa uu dacwad ka dhan ah dal Mareykanka u gudbiyay Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), taasoo muujineysa inuu doonayo in arrintan loo xalliyo si sharci ah.

 

Loollanka Ganacsiyeed ee Shiinaha iyo Maraykanka waa mid soo taxnaa xilligii 2017-18 ee madaxweyne Donald Trump xilka hayay, waxa uu bilaabay istaraatiijiyado lagu wiiqayo suuqa ganacsiyeed ee dalka Shiinaha kaas oo uu arkaayay khatar ku wajahan dhaqaalaha dalka Mareykanka. Sidii la filaayay sannadkan markii uu dib u gu soo laabtay talada dalka, dagaalkii ka dhanka ahaa Shiinaha ayuu sii laba jibbaaray, taasoo dhalisay loollan adag.

 

Saamaynta dhaqaale ee go’aannadan ayaa durba la dareemayaa. Suuqyada saamiyada caalamka ayaa hoos u dhacay, iyadoo shirkado badan ay dareemayaan cabsi laga qabo in dagaalkan ganacsi uu sii daba dheeraado.

 

Khabiirro iyo falanqeeyayaal ku takhasusay culuumta ganacsiga ayaa oddorosaya sida loollanka cashuuraha cusub ee u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka u saameyn doonaan dhaqaalaha caalamiga ah iyo xidhiidhka ganacsi ee dalalka waaweyn.

 

Xukuumadda Shiinaha waxay hadda dardar gelinaysaa qorshooyin lagu xoojinayo kobaca dhaqaalaha gudaha, kaas oo ay rabaan inay gaadhsiiyaan ilaa koboc 5% ah. Qorshahani waxa uu xooga saarayaa dhiirrigelinta waxsoosaarka gudaha iyo kobcinta shirkadaha maxalliga ah si ay uga maarmayaan dhibaatooyinka ka imaanaya hoos u dhaca ganacsiga dibaddeed.

 

Sidoo kale dalka Shiinuhu wuxuu ku talo jiraa inuu samaysto xidhiidh ganacsi oo u la yeesho dalalka soo koraya si uu u ga baaqdo suuqa Maraykanka ee caqabadda ku ah.

     
Loading...