Dhanka kale, Somaliland waxay dadaal ugu jirtaa inay hesho maalgelin
Maamulka Xamar ayaa si cadho leh uga falcelisay sida Dowladda Imaaraadka Carabta ay ula macaamishay Somaliland, gaar ahaan martiqaadkii heerka sare ahaa ee ay u sameeyeen shirkii dhawaan ka dhacay Imaaraadka.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 30 waddan ayaa Somaliland fursad u siisay in ay si toos ah uga dhex muuqato masraxa caalamiga ah, iyadoo madaxweynaha Somaliland uu ka mid ahaa madaxdii safka hore fadhiday.
Hanjabaadda ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa muujinaysa sida ay dowladda Soomaaliya uga xun tahay xidhiidhka sii xoogaysanaya ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in tallaabo laga qaadi doono dalalka si toos ah u taageera Somaliland, taasoo u muuqata in Imaaraadka uu bartilmaameed u yahay.
Xidhiidhka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa hore u xumaaday kadib markii Imaaraadku joojiyey taageeradii uu siin jiray ciidamada Soomaaliya, arrintaas oo ka dhalatay khilaaf siyaasadeed oo soo taxnaa.
Dhanka kale, Somaliland waxay dadaal ugu jirtaa inay hesho maalgelin iyo iskaashi caalami ah, taasoo u muuqata mid ay si toos ah ugu guulaysanayso iyadoo aan Muqdisho wax saamayn ah ku lahayn.
Somaliland ayaa jidka saartay dhinaca horumarinta aqoonsi raadinta dalalka ay saaxiibka dhaw yihiin taas oo firsad wayn u ah,Somaliland ayaa iska joojisay in ay Somalia waxka waydiiso arimaheeda horumarka aqoonsi raadinta.
Somalia ayaa doonaysa in aan Somaliland talaabo qaadin balse hada masuuliyiinta Somalia ayaa dhabanka gacanta ku haya ka dib markii Somaliland ku noqotay laf dhuun gashay oo calamkii ay toos u wada macaamiileen.