DEG DEG Madaxweyne Cirro Oo Kulamo Xasaasi ah Ka wado Imaaradka.

Saturday February 15, 2025 - 13:16:23
hadhwanaagnews
Labada dhinacba waxay muujiyeen sida ay uga go'an tahay xoojinta ...

May be an image of 6 people, dais and text


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ku gudo jira safarkii shaqo ee ku joogay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Madaxa Rugta Ganacsiga ee Dubai, Sultan Al Mansoori isla markaana ka tirsan Guddiga Maamulka Bangiga Ganacsiga ee Dubai.

Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka dhaqaale iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada ganacsiga, horumarka iyo maalgashiga. Wada hadalladan ayaa lagu lafo-guray dariiqooyinka kor loogu qaadi karo ganacsiga Somaliland, laguna soo jiidan karo Maalgashadayaasha Imaaraadka gaar ahaan xagga kaabayaasha dhaqaalaha, lojistikada, tamarta, xagga kobcinta aqoonta iyo awoodeynta Baanka Somaliland iyo sidii loo fududayn lahaa xidhiidh ganacsi oo toos ah oo u dhexeeya Dubai iyo Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey goobta istaraatajiyadeed ee ay Somaliland ku taallo, fursadaha maalgashi ee Somaliland ka bannaan iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ganacsi .

Labada dhinacba waxay muujiyeen sida ay uga go'an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ballaadhinta fursadaha ganacsi iyo hiigsiga mustaqbalka fog oo barwaaqo leh.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu kulan la qaatay weftigii dalka Senegal uga qayb galay Shirkii Dawladaha Adduunka Dubai 2025, waxayna ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, maamulka, aqoonta, horumarka bulshada iyo xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay sidii loo soo nooleyn lahaa Xidhiidhkii soo-jireenka ahaa ee u dhaxeeyay labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dib loogu dar-dar gelin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Somaliland iyo Senegal

     
Loading...