Dagaalka Ceerigaabo Iyo Ka Sool Waxay Ku Socdaal Mogadisho.

Saturday February 01, 2025 - 14:12:48
Hadhwanaag
Ka dib markii Ninka Muse Biixi la yidhaa uu Somaliland maamulkeedii,



Burburkii bilawday1988 kii ee Labadii wadan ee israacay 1960 ay dib ugu kala go een weli wuu socdaa. SOMALILAND goonni bay isu taagtay wax badan oo faaiido ah wey ka heshay inay Somalia ka go'do. Somalia wey sii kala googoday inkastoy kala lulato si ay u wadaagto SANDAREEDA AY GAALADU BIXISO.

 

Anigu waxaan u arkaa burburka Somalida ku socda inuu mid rabbaaniya yahay oo taariikhda dunida ummado badan oo mar sidaa Somali Republic u jiri jiray ay saaxadda dawladnimo ka baxeen sida Mongolia, Armenia, Kurdistan iyo qaar kaloo badan. Dadku wey sii jirayaan laakiin waxyaalihii kalee samaysma ayuunbay iniba qaar ka mid noqonayaan. Waxaana sii muuqda in Ethiopia iyo Somalia iyo Somaliland intuba burburayaan sida Dawladaha waaweyniba ay rabaan. Waxaa taa caddaan u ah waxa ka dhex socda Ethiopia iyo Somalida.

 

Ka dib markii Ninka Muse Biixi la yidhaa uu Somaliland maamulkeedii, dhaqaalaheedii iyo qabaailkeediiba kala furfuray isagoo ujeeddo shakhsiya xabbaarsan ayaa Daaroodkii hindisay in dhulkii iyo Ummaddii Harti ee Somaliland ka mid ahayd inay fursadi jirto oo uu gobol weyn oo Daaroodi soo muuqday oo Maamul goboleed cusubi soo muuqday. Markaa Dagaalkan Ceerigaabo iyo Sool Ujeedada Qudha Ee Ka Dabaysaa Waa Midayn Daarood Iyo Quwad Daarood Oo Gaalkacayo Lagaga Xorreeyo Habar Gidir. Isaaq Dhul Uu Leeyey Oo Todobaatan Kilometre Lagaga Soo Duulo Lagagama Qabsan Karo Dhul Isaaq. Harti Xaqiiqdaa Wuu Ogyey Meesha Lagu Socdaa Waa Galkacyo Iyo Dawladda Federalka Ah Ee Mogadisho.

 

Somalidu waxay tidhaa Abasguul Meelna Wada Joogo Waxna Uma Kala Qarsoona.

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq


 

Qoraa   Mohamed Bashe <[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...