islaamku waxa uu ku dadaalay hormarinta shakhsiyada qofka ee dhinacyada kala duwan sida caqliga ruuxdaiyo jirka iyo guud ahaanba mujtamaca.
waxa uu qaabeeyay dhamaan hab dhaqanada kasoo fulaya.
waxa uu diiday oo ka dheereyay wax kasta oo qofka aan u wanaagsanayn shakhsiyadisa, sharaftisa iyo milgihisana dili kara sida: beenta, balwada xun, xanta xiqdiga xasadnimada tuugnimada naxariis la,aanta, jaahilnimada , qabyaalada, shaqo la,aanta , daadinta dhiiga si xaqdaro ah, cadaalad darada, zinada IWM
f.g: dhamaan waxyabahan ama qaarkod dadkenu way ku sifooben ilaa kuwo alle unaxariistay mooyane mana garanayo waxa ugu wacan
Taas badalkedii waxa uu amray ama jideeyay wax walba oo qofka iyo bulshadiisaba dani ugu jirto sida:Runta, amaanada , walaalnimada , cadaalada, barashada aqoonta, waxsoorka guud ahan, cafiska, ka shaqaynta nabada, geesinimada ,guurka, midnimada, wadinayada, baarinimada waalidka iyo ka dheeranshaha xumaanta oo dhan.
■miyayna ahayn qodobadan kuwo qof walba dani ugu jirto, diinta islaamku waa diin xaq ah kana dheer dib udhac iyo duli nimo ee waxay la,dahay wax si toosan ugu dhaqma , waxaad arkidoonta maangaab mulxidiin iyo gaalo meelaha la taagan diinta ayaa dunidii naga reebtay ..
diinta alle dunidii waa ay kaa hormarisay ee damiinimo xumo iyo faham xumo adigay kugu sugnaatay dawgii saxda ahaana dabo maray.
Ka soomaali ahan inaga waxan ku dadaalna ilmaheena waxay cuni lahayen cabi lahayen meshay seexan lahayen iyo waxay xirtan .Haa waa wax loo bahan yahay lkn waxay uga baahi badan yihin ugana muhiimsan dhisada akhlaaqdooda , aqoontoda iyo arma barida wanaagsan ee nolosha iyaga aya dhisandona wixi ka dhiman.
Rasuulak alle (nnkh) kuma uusan dadalin dhulka iyo dhismayaasha ee waxa uu xooga saaray dhisida iyo qaabaynta dadka qalbiyadooda ayuu isku xiray qun ayuuna u mideeyaywaxyigii uu alle usoo dhiibayna sidii ugu wanaagsanayd ayuu ugarsiyay.
waxaad la soco taan carab iyo guud ahaan nawaaxigeeda xaaladay ku sugnayen markii nabiga laso diray 40 sano kadibna waxay ka talinyen dunida barkeed iyagoo ku naalonayay hormar dhinac walba ah.
■bulshadu wacyigeda iyo aqoonteda in kor loo qaado ayay kaga baahi badan tahay uguna muhiimsan in waxay cuni lahayd iyo wax soo saarkeda waqti lagu lumiyo.
bulshada u iftiimi waxa ka maqan iyaga raadsan doone
ugu dambayn alle waxa uu leeyahay
" إِنَّ الدِّينَ عِندَ اللَّهِ الْإِسْلَامُ ۗ "
(diinta saxda ah ee la aqoonsanyahay alle aktisa waa islaamka)
"وَمَن يَبْتَغِ غَيْرَ الْإِسْلَامِ دِينًا فَلَن يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الْآخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ"
(qofkii islaamka wax aan ahayn diin ka dhigta laga aqblimaayo aakhirana waxa uu ka mid ayahay kuwa khasaray)
Abdullaahi Saciid Salaad
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!