Xaalad halis ah oo ka soo korortay degaano Somaliland ah

Friday January 10, 2025 - 15:51:19
hadhwanaag
Sidoo kale waxaa jira kuwo kale oo u naafoobay dhibaatada



Dadka ku nool deegaannada xeebta ah ee magaalada Berbera ee kaga beegan dhinaca Bariga ayaa walaac xooggan ka muujiyay khatar kaga imaaneysa abeesooyin, kuwaas oo kamid ah bahalaha hoose ee xamaaratada ah.

Dadka deegaannadaas ku nool oo xoolo dhaqato ah ayaa abeesadani waxay ku haysaa cabsi xooggan, kadib markii qaar kamid ah dadka halkaasi ku nool ay u dhinteen qaniinyada abeesada.

Sidoo kale waxaa jira kuwo kale oo u naafoobay dhibaatada kasoo gaartay qaniinyada abeesadan, oo illaa haatan u jiifa.

Aadan Ciise oo kamid ah dadka deegaanka Xagal, oo ay toddobaadkan xaaskiisa cuntay abeesadu oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhibaatada ay abeesadu ku hayso dadka ku nool deegaannada Biyo-guure, Ceel Garde, Xagal iyo Laasciidle ee bariga gobolka Saaxil ay sii kordheyso.

Dhawaan, Aamina Maxamed Axmed AUN oo ahayd hooyo 50 jir ah, oo dhashay toddoba caruur ah ayey abeeso ku cuntay deegaanka Beenyo guulaan oo ka tirsan degmada Xagal ee gobolka Saaxil, deegaankaas oo Berbera dhinaca bari kaga beegan qiyaastii 100 KM.

Aadan Ciise oo ay marxuumadu xaaskiisa ahayd ayaa sheegay in habeenkii Jimcihii abbaare 10-kii ay xaaskiisa oo markaas soo jeeda oo hurdo isu diyaarinaysay ay qaniintay abeeso yar, iyada oo habeenkii Sabtidana u geeriyootay suntii ay gaadhsiisay abeesada cuntay.

"Xaaska oo guriga jiifta, anigana aan dibedda fadhiyo oo aan iska sheekaysanayno, ayey igu tidhi bahal ayaa igu dhegay, anigu waan booday, oo gurigii ayaan galay, oo dibedda ayaan uga soo saaray. Markaas halkaas kalxanta iyo garabka agtiisa ayey ka qaniintay oo dhiiga ayey ka jaqday,” ayuu yiri Aadan Ciise.

Waxa uu intaas ku daray in ay ula soo carareen xaaskiisa deegaankii ugu dhawaa oo ah deegaanka Xagal, oo leh xarun Caafimaad, halkaas muddo 24 sacadood ah xaaladeeda lagula tacaalayey, balse markii dambe ay ku geeriyootay.

"Xarun caafimaad oo ku taala Xagal ayaanu geynay, halkaas dawooyin ayaa lagu siiyey xilligii ay qaniintay, wakhtigii kale ayey ku geeriyootay xaruntaas caafimaad, halkaas ayaannu ku aasnay”.

Ka sakow in ay dad u dhintaan qaniinyada abeesada, waxa jira dad iyagu u naafoobay sunta waabeeyada ah ee ay kaga tagto qaniinyada ka dib, kuwaas oo qaarkood ay ku keento in laxaadkoodu dhantaalmo.

     
Loading...