Akhriso qoraalkan oo uu qoray Axmed Cabdi Ilkacase Madaxweyne ku xigeenkii hore ee DDS

Monday December 30, 2024 - 19:10:28
Hadhwanaagtv
Waad la socotaan in Goobtii Mashaqadu ka dhacday
Ninkani shayaadiin (Faalka u roga) oo meelo kale jooga ayuu ka shidaal qaataa Maalinka uu maqlo Xaalkaagu ma fiicno iyo Shirweyne ayaa soo dhaw oo waa lagu badeli ayuu u tafa xaytaa inuu qaab uun dhiig Muslim ku daadiyaa balse doorkan way la rogmatay oo kama uuna fakerin Meeshii iyo qaabkii uu dhiiga u daadin lahaa.

Waad la socotaan in Goobtii Mashaqadu ka dhacday la geeyay Ciidankii Qaranka (Federal Military)-Waxaana xigi doonta baadhiis dhamaystiran oo lagu salayn doono qaabka ay wax u dhaceen. Sida case kaas Amaan sugida looga dhex saaray Ciidankii ka Amar qaadanayay Mustafe Cagjar in Sidookale ayna Soo dhex gali karin Garsoorka ama Maxkamadaha u Adeega Mustafe Cagjar balse ay kiiskaas si toos ah u qaadidoonaan Maxkamadaha Dowlada dhexe.

Markaas Suaalaha meesha iman doona waxaa ka mid noqondoonta Saad sheegteen hadii ay Gudaha Deegaanka soo gashay Argagixiso meelo kale laga soo waariday kadibna ay Ciidan iyo Dad Shacab ah ku xasuuqeen gudaha Deegaankiina idinka Fal-celintii’nu maxay ugu koobnaan weyday inaad Aragagixisada ka talaabo qaadaan maxaa keenay inay dhintaan tiro dad shacab ah oo intaas la eg.?

Qiso yar oo horay u dhex martay labo nin oo dhibadnaa kuwaas kasoo wada jeeda Mid ka mid ah Gobalada Deegaanka. Waxay ku doodeen Mr ‘X’ ayaa yidhi hebaloow anigu waxaan leeyahay Awood (Power) aan Marka danbe kusoo daayo qofkii aan horay u wanjalay Micnaha soo xidhay ! Balse Adigu’se kaliya dadka waad xidhi taqaanaa ee ma lihid awood aad marka danbe kusii daysid qofka aad horay u xidhay!

Sidookale Soomaaliduna waxay leedahay odhaah noocaas u yara eg:- taas oo odhanaysa Lo’o eey Nin aan Marka danbe kusoo Fulindoonin yuuna marka hore ku Aroorinin.

Waxaan filayaa inaad fahanteen Intiina wax fahmaysa.
     
Loading...