Arrimaha mihiimka ah ee uu Madaxweynuhu kala hadley Madaxweynayaashii ,,,,
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jam. Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi waxaa uu maanta kulan wada tashi ah la yeeshay Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeenadii hore ee Qaranka Somaliland .
Madaxweynuhu, Madaxweynayaasha iyo Madaxweyne-ku-xigeenada uu kulanka wada tashiga ah la yeeshay waxaa ka mid ahaa:
1. Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,
2. Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin,
3. Madaxweyne-ku-xigeenkii 3-aad Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,
4. Madaxweyne-ku-xigeenkii 2-aad Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.
Dhanka kale, waxaa isna kulanka qayb ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenkii 4-aad iyo 5-aad Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) laakiin kulanka ka maqnaa hooyadii oo Boorama ku geeriyootay awgeed, taasoo ay Madaxweynayaasha iyo Madaxweyne-ku-xigeenadu ay si wada jir ah uga tacsiyadeeyeen geeridaa ku timid.
Sidoo kale, kulanka waxa isaguna qeyb ka ahaa Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax. waxaa kulanka wada-tashiga ah qeyb ka ahaa balse xaalado caafimaad uga maqnaa Madaxweyne-ku-xigeenkii 1-aad ee Somaliland Mudane Xasan Ciise Jaamac, waxana ay si wada jir ah Alle uga baryeen in uu caafimaad taam ah siiyo.
Arrimaha mihiimka ah ee uu Madaxweynuhu kala hadley Madaxweynayaashii iyo ku-xigeenadii hore ayaa ahaa wada-tashi la xidhiidha xaaladaha hadda taagan ee mihiimadda iyo mudnaanta gaarka ah u leh Qaranka Jamhuuriyada Somaliland .
Guntii iyo gaba-gabadii, Isku-xidhnaanta Madaxda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay xilli walba kaga arrinsadaan Xaaladaha dalku waa towfiiqda iyo talo-waaga ay Jamhuuriyadda Somaliland kaga duwan tahay Soomaalida kale. Kulankooduna waxa uu ummadda Jamhuuriyadda Somaliland u yahay ISHAARO-SAN iyo YIDIDIILO ah dhinaca adkaynta Qarannimada iyo wadajirka ummadda Jamhuuriyada Somaliland.