Cashar lacag la'aan ah !

Thursday December 26, 2024 - 10:57:08
hadhwanaagtv
2. Adkeysiga .


Wabigu marna ma joojiyo qulqulkiisa. Dhagaxaan adag ayaa ka hor yimaadda balse, marnaba jihadiisa kama joojiyaan. Dhagaxaanta xoogga badan, ayaa uu xoqaa oo uu jid ka samaystaa.

Macnuhu maaha in biyuhu ka adag yihiin dhagaxaanta, balse waa in ay adkeysii badan yihiin. Waa inay halka ay u socdeen ayna ka leexan.

Haddaba, noqo sida wabiga. Wax kasta oo ka hor yimaadda hayaankaaga guusha, adkeysi ku caabi. Yoolkaaga, waxaa hor istaagi doonna caqabado badan laakiin, marnaba ha ka leexan waxii aad rabtay.
Waxaa aad maanka ku haysaa in waxyaabaha aasaasiga u ah ee ugu tayadda wacan, marka laga hadlayo guusha in uu yahay " adkeysiga". Adkeysiguna waa sida muruqa; mar kasta oo xanuun ku dhaco, waa mar kasta oo uu sii xoogaysto.

Isweydiintu waxaa ay tahay : sidee adkeysigayga u horumarin karaa?
Waxaa aad u horumarin kartaa in aannad joojin hawsha aad waddo. Mar kasta oo aad kusii dhaganaatid wadidda, waa mar kasta oo aad guuleysanayso.

Xeer cilminafsiya ayaa yidhaahda: waxaad noqotaa waxa aad ka fikirto inta badan. Haddii aad badi ka fikirto guusha, waxa aad awood u yeelanaysaa inaad u dhaqaaqdo hawsha; waxaad tamar u yeelanaysaa inaad soo jiidato fikradaha; inaad awood u hesho hirgelintoodda; inaad diiradda saarto waxyaabaha ku xeeran noloshaada.

Intaas waxaa kuugu darayaa xeer hoosaad yar oo cilminafsiya oo yidhaahda:
"Waxaad noqotaa waxaa aad u sheegto naftaada". Haddii aad hadal taban kula hadasho naftaada , waxa ay noqoneysaa sidaas aad u sheegtay naftaada. Sida aynu soo xusnay guushu waxa ay ku timaadda adkeysiga; isaguna waxaa uu ku yimaaddaa: joojin la'aanta.

Haddaba, sidee u noqon kartaa lama-joojiyaan( unstoppable)
Si fudud waxaad naftaada igu tidhaahdaa: Anigu waxaa aan ahay lama-joojiyaan! Mar kasta oo aad hawl bilaabayso dheh: waxaan ahay lama-joojiyaan. Mar kasta oo hawshu kugu adkaato, ha ilaawin: "waxaan ahay lama-joojiyaan". Ku celceli, waxaan ahay lama-joojiyaan; aniga waxaan ahay lama-joojiyaan; waxaan ahay mid aannay cid hor istaagi karin.

Mar kasta oo aad ku celceliso , waxa ay gallaysaa maankaaga . Si toos ah ayaa ay kaaga mid noqonaysaa. Sidaas awgeed, mar kasta oo aad hawl bilaabto , waxa kugu soo dhacaysa uun: aniga waxaan ahay lama-joojiyaan! Marna maankaaga ku soo dhici mayso inaad isdhiibto.
Qof kasta oo kasoo cagajiidaya yoolkiisa, waxaad ku tidhaahdaa: ha isdhiibin, waxaad tahay lama-joojiyaan . Waxaa uu yeelan doonaa adkeysi.

Bal ka warran haddii aad guuldareysato?
Waxaad tidhaahdaa: miyaana kuu sheegin in aan anigu ahay, lama-joojiyaan!
Haddii aan guuldareysto, horta guuldarradu maankeygaba masoo gasho , keliya waxaa aan ka fikiraa uun guusha. Ismadhiibo. Magaceygu waa "adke" haa, adke! Waliba adke , adke dhalay!

Adkeysiga waxaa aan ku xoojiyaa joojin la'aanta, waana sababta la iigu bixiyay; lama-joojiyaan.
Ugu dambeyntii, akhriste, waxaa aan ku leeyahay, ogow adkeysiga. Ha isdhiibin, hana joogsan lama-joojiyaan baa tahaye. Waad guuleysan doontaa. Waxaa aad u dhalatay guusha. Maya! Wey kula dhalatay guushu! Waxaa aan ka wadaa, haddii adkeysiga baddisid, guusha garabkaaga ka eeg.
Adkeysigu waxaa uu dhalaa guusha.

Guuleyso... guuleyso... guuleyso waligaa. Adkeyso... Adkeyso... Adkeysi... Adkeysi, kaddibna waa guul...guul..guul..guullo isdabajooga.

W/Q: Maxammad Haybe Axmed.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...