Cilmi weeyi duniddu ee cashar ka baro.
Shimbirtu, iyada oo cufkeedda dhisayaysa, oo meel wacan marinaysa, ayaa dabayl weyni Soo dhacdaa. Waxa ay ka qaaddaa kala badh cufkii. Afka iyada oo caleen yar ku siddata ayay soo noqotaa, se meeshiiba waxaa kasii taaggan waxyar!
Ma niyadjabto ee inta ay intaa ay siddana ku dhisto, ayay dib u noqotaa.
Halkaas bay kasii waddaa; ilaa ay ka dhammaystireyso cufkii; weyna dhammaystirtaa.
Waxa ay ka dhigtaa hayga yar ee quruxda, qiimaha iyo qaayaha leh, ee aynu aragnay.
Haddaba, waxa ay shimbirtu inna baraneysaa in aynu taagnaano oo cagaha dhulka ku hayno, si kasta oo waayaha iyo waqtigu innoo darbeeyaan.
Wax kasta oo kaa xumaada. Si kasta oo wax aannad filanayn foodda kuu daro, waa in aannad u dhaqaaqin. Waa in aannu jilbaha kuu ridin; ma shimbirtaa ayaa ka liidataa?! Waa Maya!
Ogow, waxyaabaha dabeecigga ah, waxa ku duuggan casharro. Bal hadda eeg uun shimbirtu casharka lacag la'aanta ah ee ay inoo dhigtay!
Cilmi weeyi duniddu ee cashar ka baro.
Adigaagan akhrinayaa, waxaa aan ku leeyahay guuleyso.
Maxammad Haybe Axmed.