Wasiirka Wasaarada Aminaga Gudaha Somaliland oo warsaxaafadeed ku qabtay xarunta Wasaarada Amniga ayaa ka warbixyey xaalada dagaal ee ka dhacday Deegaanka Dacawalay ee Dawlad deegaanka Ethiopia kaas oo dhax maray Ciidanka Liyuu booliska iyo mid ka mid ah beelaha dega maamulka dawlad deeganka Somaalida isla kaarana ay ay ka dhasheen karaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wasiirka waarada Amiga Somaliland ayaa wabaahinta lawadaagay shaqaaqadaas ka dhacday dawlad deeganka soomalida ayaa waxa uu yidhi.
"Waxan diinayaa in aan warbixin idinka siiyo shaqaaqo kasoo korodhay kulilka shanaad oo ay ku dirireen ciidamada dawlad deegaanka soomalida iyo dad ka tirsan deegaankaa, oo dhacab ah, dhimasho iyo dhaawacba halkaas way ka yimaadeen, shaqaaqo xunbaana ka dhacday, dhimashadaa iyo dhawacaana aadbaanb uga tacsiyadaynayaa, mashaqadaasi markii ay nasoo gaadhay xukumaada kililka shanaad waanu la xidhiidhnay, waxanu ka wada hadlanay in maadama ay iyagu shacabka deegaanka ka masuul yihiin in umada la ilaaliyo”.
Geesta kale wasiirka ayaa timaamay in wada hadalka ay la sameeyeen masuuliyiinta Amniga ee dawlad deeganka Somaalida ay isla qaateen in shacabka la ilaaliyo isla markaana masuuliyiinta kililka shanaad ay laqaateen waxa uu intaasi ku daray in ay wafti balaadhan oo dhinaca somaliland ka socda ay u direen isla markaana ka xukuumad ahaan ay ka xun yihiin sida ay wax u dhaceen.
Wasiirka ayaa sheegay in u jeedada shirka jaraaid u qabteen ay tahay in shacaka degan deeganka ay fariin u diraan isla markaana ay u sheegaan in ay nabada ilaashadaan isla markaana nabada iyo amniga looga dambeeyo xukuumada.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in ay masuuliyiinta dawlad deeganka Somaalida ee ay wada xidhiidheen ka codsadeen in ay shacabka u tudhaan una dulqaataan, madaama shacaka deegaas degan ay masuuliyadi ka saaran tahay.
Gabagabadii shirkan jaraaid ee uu qabtay Gudaha Somaliland cabdale sandheere ayaa waxa uu shacabka dagan deeganka ay shaqaqadu ka dhacday ee dacawalay ku booriyey in ay isdajiyaan isla markaana ilaashadaana nabadado.