DEG DEG Komishaneer Bidhaani oo ka War Bixiyey Nidaamka iyo Hanaanka Tirinta Codadku ay Maraan.

Saturday November 16, 2024 - 14:03:13
Hadhwanaag
"Hanankani waxa uu u dhacaa, dhamaan goobaha marka



Komishineer xuseen cabdi cali bidhaani ayaa isagoo ku sugan magaada Boorama ee xarunta gobolka Awdal gaar ahaan jaamacada camuud oo ay ka socodto dib u tirinta codadkii la dhiibtay ayaa ka warbixiyey hanaanka ay marto tirinta codadku.

 

Komishaneer Bidhaani ayaa si qota dheer u sharaxay isla markaana faah faahiyey nidaamka ay marto hubinta iyo tirinta codadku marka ay ka laga yimaad goobtii codbixinta soo na gaadhaan xarunta dagmada.

 

Waxa kale oo uu sheegay in dhamaan sanaduuqda codadku ku jiraan marka ay soo gaadhaan xarunta degmada dib loo tiririyo komishaneer ka oo nidaamkan faah faahinaya ayaa waxa uu yidhi.

 

"Hanankani waxa uu u dhacaa, dhamaan goobaha marka lakeeno, laba warqadood oo rasmi ah ayaa la socda ku waas oo isku mid ah kuna qoran hihiin natiijadii gaabtii codbixinta, intaa ka dib qaab dhismeed ayaa loo dajiyaa kaas oo ka kooban miiska hubinta, hadii in xogta ku jirtaa iyo warqadu is yeeshaan waxa loo gudbiyaa miiska hubinta gaarka, marka ha ka soo gudubtana waxa ay u gudubtaa miiska wakiilada xisbiyada iyagaana eegta oo tirsada goobkasta, xisbi kasna waxa u jooga hal wakiil oo heer gobol ah iyo sadextiriye, isntaasi ka dib marka ay kuda qancaan waa la wada saxeexaa, ugu dambayn waxa loo gudbiyaa miiska xog galinta oo ah ka ugu dambeeya, kaasi oo warqada waxa ku qoran la galiyo sistemka, inanka xogta galinaya combiitarka waxa dhanaca kale ka arkaaya wakiila si aanay u dhicin wax khalad ah , ugu dambayna waxa la soo saarayaa warqad laysku waafaqsan yahay.”

 

Gabagabadii waxa uu sharaxay in sanaaduuqda qaladaadka badani ku jiraan iyaga loo dambaysiiyo inta laga dhamaynayo kuwa saxda ah ama khaladadkoodu yar yahay isagoo ku macneeyey in looga goleeyahay dhinaca wakhtiga ugu dambayntana iyaga loo noqdo si layskula saxo.

     
Loading...