5 qoraa kasta ku keenna inuu madaxiisa hoos geeyo!

Wednesday November 13, 2024 - 10:42:01
hadhwanaagtv
Warcelin aan la jecleysan ee ka timid asxaabta iyo ehelka .

Inta aad ku gudajirto hayaankaaga qoraannimo, waxaa aad la kulmaysaa caqabado badan. Qaar baa kaa dhigaya inaad qalinka dhulka dhigto, oo buuggana isku laabto. Qaar baa kugu keennaya in aad niyadjabto. Mar kale, waxaad dareemaysaa guuldarro oo gorodda ayaa laalaadinaysaa.
Haddaba, waxaa aan kuu soo gudbinayaa waxyaabaha qoraaga ku keenna in uu niyadjab dareemo, sidoo kale waxaa kuugu darayaa caqabadahaa sida looga gudbo ee bal waa kuwan ee dhankaagana ka qiimee:

1. Warcelin aan la jecleysan ee ka timid asxaabta iyo ehelka .

Qoraa waliba waxaa uu jecel yahay, waxaa uu qorey in uu la wadaago qoyskiisa iyo asxaabtiisa. Sababtu waxa ay tahay in ay yihiin dad kugu wayn oo qayb ka ah noloshaada. Waxii aad qortay ee aad la wadaagtay sida ay uga warcelinayaan, waxaa ay kuu tahay muhiimad wayn.
Marka ay akhriyaan dadkaasi ee warcelinmahooguna ay noqon waayaan kuwo aannad jeclaysan; qoraalkaaga ay u bogi waayaan, qoraaga waxaa ay ku keentaa in uu niyadjabo. Bal ka soo qaad saaxiibkaagii/saaxiibtaadii aad ugu jeclayd oo ku tidhaahda: qoraalkaagani ma fiicna ee dadka waxan ha hor gaynin! Hubaal inaad niyadjab dareenayso.

Haddii aad Adeerkaa warcelintiisu noqoto, mid aannad jeclaysan; qalbiga ayaa ka dhaawacmaysaa oo qalinka inaad tuurto ayaaba laga yaabaa!
Hawshani, waxa ay u baahan tahay in si deganaan leh oo garasho ay ku jirto u furdaamiso
Waa inaad qiimaysaa oo dhinacyo badan wax ka eegtaa. Waxaa laga yaabaa in qoyskaaga iyo asxaabtaadu ayna ahayn dad leh hal'abuur qoraal. Mowduucan aad la wadaagtay in ayna aqoon badan ka haysan. Qoraalka aad la wadaagtay in ayna wada akhriyin ba. Sida ay wax u qiimeeyeen in ay ka xumaatay. Bal ka fikir arrimahaas oo dhan.
Haddaba, marka ay kuu warceliyaan wax qiimee, ha iska qiiroon oo qalinka ha tuurine!
Marka aan ku leeyahay asxaabta iyo ehelku oddoros oo bal wax hubso, kama wado ha la wadaagin hawsha aad qabatay ama waxa aad qortay, ogow waa muhiim in la la wadaagaa.

Carqalladan waxaa aad kaga gudbi kartaa waxaa weeyi, inayna ku dhaawicin warcelimaha dadkaa kuugu dhawi, balse kaga gudub qiimayn . Waxaa kale oo aad kaga gudbi kartaa in marka aad qiimayso warcelinta inaad u gudbiso oo la wadaagto saaxiib kale oo waxa aad ku dooratay uu yahay in uu qore yahay ama aqoon qoraal oo xeeldheer leeyahay. Kaasi waxaa aad ka heli kartaa warcelin waafiya oo ku caawisa.

Sidoo kale kooxo waaya-aragga ayaa qoraalkaaga la wadaagi kartaa, kuwaasi oo ku siin kara warcelimo ka wacan kuwa ay ku siiyeen asxaabta iyo ehelku.
Ugu dambeyntii, sidaas ayaa kaga gudbi kartaa carqalladii aad gorodda laalaadineysay, waxaana aad noqon doontaa qoraa guuleysta.

La soco qodobka 2 aad...

W/Q: Maxammad Haybe Axmed.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...