Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee Ciidamada Qaranka Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo ku saabsan u diyaar garowga doorashooyinka inagu soo foolka leh la qaatay taliyeyaasha ciidamada dalka iyo hoggaannada waaxaha kala duwan ee ciidamadu ku kooban yihiin.
Ugu horrayn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xarunta Miiska saraakiisha ku qaabilay taliyaha ciidanka Militeriga, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxana uu halkaas salaan kaga qaatay qaar ka mid ah ciidamada Qaranka oo goobta diyaar ku ahaa. Isaga oo intaas kaddib shir Albaabadu u xidhan yihiin la qaatay taliyayaasha ciidamada iyo hoggaannada kala duwan.
Hoggaannada hawl-gelinta ee ciidamada Militeriga ahna Af-hayeenka guud ee ciidanka Qaranka iyo Booliska, sarreeye guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan (Cabdi-dheere) iyo sarreeye guuto Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud, oo halkaas ka hadlay ayaa madaxweynaha faah-faahin buuxda ka siiyay sida ay ciidan ahaan ugu diyaar garoobeen difaaca dalka iyo ilaalinta amniga iyo habsami u socodka doorashooyinka, isla markaana goob kasta oo doorasho loo qoondeeyeyba ay u diyaar yihiin ciidankii ka hawl-geli lahaa maalinta ay doorashadu dhacayso ilaa iyo inta sanaaduuqda doorashada xarumaha komishanka si nabad-geliyo ah loogu soo xaraynayo.
Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo la hadlay saraakiisha ayaa ugu horrayn bogaadiyay sida hufan ee ciidamada kala duwan ee dalku isugu diyaariyeen qabsoomidda doorashooyinka iyo gudashada waajibka culus ee saaran.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xusay in maalinta doorashada cidda hagista iyo maamulka doorashada leh ay tahay Komishanka doorashooyinka, isla markaana iyaga si gaar ah ciidamadu ula shaqayn doonaan.
Waxaanu sheegay in doorashadda looga baahan yahay in ay qaranka wax u soo kordhiso, isla markaana ay dadku isku jeclaadaaan, oo aan la isku nicin. Waxaanu yidhi "Ciidamow maalinta doorashada, qolada komishanka doorashooyinka, ayaa laga amar qaadanayaa, iyagaana sida ay inoo tilmaamaan hawsha loo fulinayaa. Ciidamada waxaa laga rabaa inay hawsha guddiga doorashooyinku wadaan ku dul ilaaliyaan, hawlihiinnii caadiga ahaa ee difaaca dalka iyo amniga gudahana aad haysaan. Waxaynu u baahan nahay in loo midoobo, midnimadda qaranka, difaaca qaranka, iyo doorashooyin nabad ah.
Doorashadda waxaynu ka rabnaa in ay qaranka wax u soo kordhiso, in la hello dadka oo isku jeclaada ee aan isku nicin. Haddii aynu ku colowno doorashadda, oo nin waliba dhan ula cararo dantiisa, oo siyaabo badan oo aan hagaagsanayn dadka wax loogad haadhiciyo, eeddaa waxaa yeelanaysa cida dadka waaninaysa.
Waxaa looga baahan yahay madax dhaqameedka oo ay dadku aad u dhegaystaan, waxaa laga rabaa in ay dadka mideeyaan, oo ay tusaan in ay Somaliland qoys qudha tahay, oo wax la kala qayb qaybiyo aanay ahayn”.
Madaxweynuhu waxa uu sharraxay ujeeddada laga rabo doorashada iyo sida ay waajib u tahay inay noqoto mid bulshada midaysa oo ururisa, isagooa xusay in ciidamadu ay yihiin kuwa ay masuuliyada ugu weyni saaran tahay maalinta doorashadda.
"Waxaynu u baahannahay in loo midoobo difaaca qaranka iyo doorashooyinka, doorashadana waxaynu ka rabnaa inay qaranka wax u soo kordhiso, dadkuna isku jeclaadaan oo aanay isku nicin. Doorashadda la qabanayo ciidamadu waxay yihiin kuwa masuuliyadda ugu weyn ee Somaliland maanta gacmihiina ayay ku jirtaa. Laakiin, maalinta doorashada idinka iyo komishanka ayaa dalka ka masuul ah. Idinka ayay shaqadii madaxweynuhu idinku soo wareegaysaa, komishanka doorashooyinka ayaana laga amar qaadanayaa, iyaga ayaana loo fulinayaa halkii ay inoo tilmaamaan. Labadiinaa qolo xil weyn, weyn ayaa idin saaran.
Markaa ciidamadda waxaa laga rabaa hawshaa ay wadaan guddiga doorashadu in aad ku dul ilaalisaan, isla markaana aad haysaan hawlihiinii caadiga ahaa, oo iyaguna maanta intii hore ka culus, oo ah difaaca dalka, iyo amniga gudaha. Hawshiinu way sii libin laabantay, labadaa hawloodba way idin saaran yihiin”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Taliyaha ciidanka Booliska, sarreeyo gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa caddeeyey in dhammaanba goobaha sannaadiiqda codaynta loo diyaariyay ay u qoondeeyeen ciidamadii amnigooda ilaalin lahaa, isla markaana keyd ciidan oo wixii soo kordha ka hawl-geli kara ay diyaariyeen, iyaga oo wacyigelin buuxda oo ilaalinta habsami u socodka doorashada iyo gudashada waajiboodkoodaba ay siiyeen ciidanka, ciidan ahaanna ay dhex-dhexaad ka yihiin doorashadda.
Sidoo kale taliyaha ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa dhankiisa sheegay in wixii ciidan ah ee ilaalinta goobaha codaynta iyo midda guud ee difaaca dalka ah ay diyaariyeen, kuna kalsoon yihiin inay hawshaas ka soo dhalaali karaan.