Madaxweyne Lukashenko Oo Doqonimo ku Tilmaamay In Somaliya Diido Rabitaanka Itoobiya Ee Bada

Tuesday October 29, 2024 - 17:19:16
Hadhwanaagtv
"Deriskaagu ha ogaado hadda ama mar kale, dagaal

May be an image of 2 people and text


Madaxweynaha dalka Belarus, Aleksandr Lukashenko ayaa sheegey in rabitaanka Itoibiya ee marin-badeed uu yimi waqtigii saxda ahaa, isaga oo "Doqomo" ku tilmaamay dalalka deriska aan taas fahmin.

"Deriskaagu ha ogaado hadda ama mar kale, dagaal ama wada-hadal, Itoobiya wey gaadhi Badda." - Ayuu Madaxweynaha Belarus u sheegey Raysal wasaaraha Itoobiya, sida ay ku warramayso wakaaladda dowladda Belarus, BelTA.

Abiy ayaa dhiniciisa 'Xanuun' ku tilmaamay bad la'aanta, wuxuuna u sheegey Madaxweynaha Belarus; "Waad ogtahay xanuunkayaga, waxaad dareemeysaa xanuunkayaga. Waa xanuunka waddan aan lahayn Bad; waa in si siman oo caddaalad ah looga wada faaiideysto Badda, ma aha in aan dagaallano, waa in aan wadaagno kheyraadka."

     
Loading...