Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, Wasaaradda Warfaafinta iyo Ururada Saxaafada oo Xeer kala saxeexday

Tuesday October 29, 2024 - 16:16:28
Hadhwanaag
Madasha lagu kala saxeexanayey Xeerka Anshaxa Saxaafada ee wakhtiga...




Komishanka Doorashooyinka Somaliland ,wasaarada warfaafinta ,ururada saxaafada sida Solja iyo Wija, ayaa shalay xarunta guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku saxeexay Xeerka Anshaxa Saxafaada ee Doorashada.

 

Madasha lagu kala saxeexanayey Xeerka Anshaxa Saxaafada ee wakhtiga ay socdaan doorashooyinka inagu soo foolka leh ayaa waxa goob jooga ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Cali Maxamed Xasan (Mareexaan), agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Mustafe Cabdi Ciise (Shiine, Gudoomiyaha Guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo masuuliyiinta Ururada saxaafada ee Solja iyo Wija.

 

Guddoomiyaha Komoishanka Doorashooyinka  Somaliland oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka Komiishan ahaan ay soo dhawaynayaan Xeerka Anshaxa iyo habdhaqanka safaaxafada guud ee Doorashooyinka. waxa kale oo uu sheegay in mudada Doorashooyinku socdaan ay kormeeri doonaan sida uu xeerku dhigay 7 xubnood oo ka inmanaya saxeexayaasha, laba 2 xubnood oo ka imanaya Komishanka Doorashooyinka, 2 Xubnood oo wasarada warfaafintu ay soo magacabayso, 2 Xubnood oo ay soo magacabayaan Ururka Solja iyo sidoo kale hal Xubin oo ay soo magacabayaan Ururka Wija.

 

Geesta kale waxa isna halkaasi ka halday Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland Cali Mareexaan ayaa sheegay in ay xarunta komishanka Doorashooyinka Qaranka ku saxeexeen xeer nidaaminaya Anshaxa Saxaafada iyo Saxafiyiinta wakhtiga lagu jiro doorashooyinka, waxa kale oo uu xusay in ujeedada guud ee xeerkani yahay in uu ilaaliyo anshaxa saxaafada si ay doorshooyinku inoogu dhacaan si xor iyo xalaal ah oo ay masuuliyadi ku jorto.

 

Ugu dambayntii Gudoomiyaha Ururka Saxaafada Somaliland ee Solja oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu xeerkani waxweyn ka taridoono mudada lagu jiro doorashooyinka sidii ay warbaahinta kala duwani u soo gudbin lahaayeen Xog sugan oo Dhexdhexaada. waxa uu hoosta ka xariiqay in ay Xeerkan ku tababaridoonaan 400 oo wariye.

     
Loading...