Baraha bulshada ayaa waxaa ka dhashay cadho ka dib markii wasiirka qoyska ee Soomaaliya Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac uu barta X ku wadaagay sawiro isaga iyo nin kale oo ka mid ah ergada Soomaaliya u matalaysa shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka.
Fatxiya Cabsiye, oo ah
qoraa Soomaaliyeed oo caan ah, una dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, ayaa BBC-da
u sheegtay "Waa dhego-la'aan in dowladda Soomaaliya ay safka hore kaga
jiraan rag, kuwaasoo matalaya shirka arrimaha haweenka."
Sarkaal sare oo ka
tirsan shaqaalaha rayidka ah ayaa BBC-da u sheegay in labo haween ah ay sidoo
kale ka mid ahaayeen wafdigii Soomaaliya ee afarta xubnood ka koobnaa ee ka
qeyb galay munaasabada oo looga hadlayay arrimaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga
taas oo ka dhacaysay New York, balse sawirka uu wasiirka barta bulshada ku
wadaagay kama aysan muuqan labada haween.
Tirada guud ee ka soo
qeyb-galayaasha munaasabadda waxay ahaayeen 197 ergo kuwaas oo ka kala socday
57 wadan balse ragga waxay ahaayeen 21 kaliya halka inta kalana ay dumar
ahaayeen.
Sawirka kooxda ee laga
soo qaaday xaflada - oo la qabtay horaantii todobaadkan - ayaa dood ka dhaliyay
baraha bulshada Soomaalida, iyadoo dad badan ay sheegeen in dowladdu aysan si
dhab ah uga qaadan arrimaha haweenka.
Sawirro dhowr ah oo
laga soo qaaday shirka ayaa lagu soo bandhigay barta X oo horay loo oran jiray
Twitter, mid ka mid ah ayaa muujinaya Janaraal Jaamac oo la socda la
taliyihiisa, Xildhibaan iyo wasiir hore Cabdullaahi Goodax Barre; halka sawir
kalena uu muujinayay hoolka kulanka oo uu fadhiyo nin kale, oo BBC-da loo
sheegay in uu gacan yare ahaa.
"Ma ahayn nin
keliya oo wasiir ah oo goobta joogay - waxaa jiray rag badan oo wasiirro ah, oo
matalayay waddamada sida Japan iyo Shiinaha," Maxamed Bashiir, oo ah
sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda qoyska iyo horumarinta aadanaha ee
Soomaaliya ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.
Labada hablood ee
Soomaalida ah ayuu sheegay inay kala ahaayeen Iman Elman oo ah sarkaal caan ah
oo ka tirsan ciidamada milateriga iyo Sacdiya Maxamed Nuur oo ka tirsan
shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda.
Dooddan baraha bulshada
ayaa dib u soo celiyay dhaleeceynta go'aankii dowladda ee bishii Luulyo ee
looga baddalay waasaaradda oo markii hore ahayd Wasaaradda Haweenka iyo
Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo loo beddelay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta
Xuquuqda Aadanaha.
Waa markii Janaraal
Jaamac oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo xilal ay ka
mid yihiin hoggaanka sirdoonka iyo ciidanka Asluubta soo qabtay loo magacaabay
xilka wasaaradda.
"Ka saarida ereyga
'haweenka' ee magaca wasaaraddu waxay tirtiraysaa halganka iyo baahiyaha gaarka
ah ee haweenka. Waxay soo koobaysaa arrimahooda marka loo eego ereyga ballaaran
ee 'qoyska'," ayay tiri Fatxiya Cabsiye.
Xuquuqda haweenka
Soomaaliya ayaa sannado badan la eegayay.
Haweenka Soomaaliyeed -
oo soo maray dhibaatooyinka dagaalladii sokeeye ee daba dheeraaday iyo kacdoono
Islaamiyiin ah - ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaaray nabad-dhisidda
Soomaaliya, inta badana waxay geli jireen door hoggaamineed waxayna riixayeen
ka qaybgalkooda siyaasadda.
Iyadoo ay taasi jirto,
ma jiraan haween badan oo ku jira mansabyo saameyn siyaasadeed leh.
"Haweenku had iyo
jeer waxay ahaayeen kuwa looga tira badan yahay hoggaanka, hadda waxay
wasaaradihii u haray ay siiyeen ragga," ayay tiri Fatxiya Cabsiye.
Qaar ayaa difaacay
dawladda, iyaga oo sheegay in aanay waxba u arag in nin khibrad u leh uu
hoggaamiyo wasaaradda qoyska.
Laakiin codadka kuwa ku
baaqaya in si xooggan uga muuqdaan jagooyinka dowladda ayaa sii kordhaya -
waxaana Janaraal Bashir uu sheegay in wasaaraddu ay ku dadaali doonto sidii
haweenka door muhiim ah loo siin lahaa mustaqbalka.
BBC