Taariikhdu waa mindi laba af leh

Wednesday October 23, 2024 - 19:20:47
hadhwanaag
Qorshaynta iyo go'aaminta dariiqyo duulimaad...



Haddii ay saxan tahay oo wanaagsan tahay waa mindi lagu dagaal geli karo.

Haddii ay khaldan tahay ama ha xumaato ama ha wanaagsanaato e waa mindi ka daba timaada cidda loo been abuurayo una hiilisa cidda lagu durayo.

Waxa maalmahan muran xooggan ka taagnaa aqoonta ciidanka cirka ee madaxweynaha Somaliland.

Muuse isaga ayaa muuqaal ku dhowaad saacad soconaya oo laga duubay afkiisa ka sheegay shaqada uu ka hayey diyaaradaha ciidanka inkasta oo sida uu hadalka u dhigay ay u baahan tahay fahan badan iyo baadhitaan ama aqoon ku salaysan shaqada waaxaha kala duwan ee ciidanka cirka. Balse waxa jirtay in Doorashadii 2017 dad u ololaynaya Kulmiye ay baahiyeen been sheegaysa in Muuse ahaa duuliye oo uu duqeeyey goobo ka mid ah dhulka xabashidu haysato ee Somali galbeed. Maantana waxa jirta in la abaabulayo qorshe been abuur ah oo mar kale lagu buunbuuninayo madaxweynaha isaga oo maalmo ka horna lagu soo sawiray diyaarad yar.

Muuse sida uu sheegay markii loo qaaday Ruushka oo Somaliya ka taageeri jirey dhisida ciidamada waxa uu soo bartay diyaarad la odhan jirey .L28 Bomber Muuse waxa uu soo bartay hagenimo (navigator). Waxa jirta kala duwaansho baahsan oo u dhaxeeya duuliyaha diyaarada iyo hagaha diyaarada. Sii ba diyaaradaasi L28 Bomber waxa raaci jirey saddex qof oo kala ah duuliye, hage iyo ninka hubka rida oo xaga danbe ee diyaarada gala.

Haddaba haguhu muxuu qabtaa? Shaqadiisu waa qabashada shan shaqo.

Qorshaynta iyo go'aaminta dariiqyo duulimaad oo ammaan ah si aan cadowga afka loogu gelin.

Isticmaalka khariirada ama qalabyo tignoolaji ah si diyaaradu aanay uga lumin jidkii loo soo go’aamiyey.

Caawinta helitaanka bartilmaameedyada duqeymaha cirka.

Isku-dubbaridka diyaaradaha duulimaadyada ku jira (tan waxa isticmaala wadamada horumaray madama ay u baahan tahay tiknooloji casri ah ama ay khibrad dheeraad ah u baahan tahay.)

Falanqaynta xogaha sirta ah iyo macluumaadka cimilada si looga digtoonaado khataraha wajahi kara istiraatiijiyadda howlgalka (qodobka sidoo wuxu u baahan yahay tiknooloji casri ah Somaliyana wakhtigaasi ma ahayn waddan heerkan gaadhsiisan.)

Muuse marnaba ma noqon duuliye shaqadiisu ma aheyn laakiin wuxu ahaa hage diaaradeed.

Qore Suleiman Rashiid Ahmed


     
Loading...