Suldaan M Guuleed waa Suldaan Guud maqnaanshiiyaha S Cabdillaahi.

Monday October 14, 2024 - 08:03:35
Hadhwanaagtv
Suldaan Guuleed iyo Boqor Buurmadow ay yihiin xidhayaasha H


Wararka iyo khudbadaha madaxda labada dhinac ee kala taageersan Axsaanta qaranku waa is diidooyin waxaase ka run ah in:

1- Talada Habar jeclo uu Guddoomin karo Suldaan Maxamed Guuleed.

2- Suldaan Guuleed iyo Boqor Buurmadow ay yihiin xidhayaasha Habar jeclo, duulaanna aanay ku ahayn Saldanadda Guud iyo reer Yoonis.

3- Reer Yoonis dhex u yahay Habar jeclo laakiin aanu dhex u ahayn reer Sheikh Isaaq iyo Soomaalilaan guud ahaan.

4- Habar jeclo aanay hore dhex ugu noqon Axsaanta qaranka iminkana aanay dhex noqon karin.

5- Habar jeclo wada taageertay guddoonka Shiikh Suldaan Maxamed Guuleed iyo garbihiisa, marka laga reebo in yar oo danahooda gaarka ah eeganaya iyo in xafiiltan reer ku god gelaysa.

6- Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali iyo jilibka reer Yoonis ay markasta ku qanacsan yihiin go'aanka Habar jeclo ee Ceel afweyn

7- Habar jeclo in ay ka muquurato u orodka mustaqbalka Madaxnimo ee Soomaalilaan, xitaa haddii ay u soo baxaan sadex Guddoomiye xisbi. Waxaa Habar jeclo ka go'an in ay qaabayso siyaasadda Soomaalilaan oo ay ku waddo nabad, tudhaale iyo tanaasul.

Bashiir Tarabbi Ogleh,
London, England.


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...