Bill Gates ayaa la weeydiiyay haddii uu Jiro qof ka qanisan?

Sunday October 06, 2024 - 15:50:15
Hadhwanaag
Saddex bilood kadib ayey haddana arintii oo kale...



Wuxu yiri, haa waxan arkay hal nin oo iga qanisan, waxaa la weeydiiyay qofka yuu yahay? Wuxuuna ku jawaabay.

Markii aan dhameeyay daraasadeyda oo aan isku diyaarinaayo in aan soo bandhigo mashruuceyga Microsoft ayaa maalin anigoo kaduuli raba garoonka New York, waxay indhaheyga qabteen wiil yar oo madow ah oo iibinaya wargeysyo, wargeysyadii uu waday mid kamid ah oo ciwaankiisu ii soo jiitay ayaan isku dayay inaan iibsado balse shilimaad ma wadan, inaan iska dhaafo ayaana go'aansaday, wargeyskii ayuu ii soo taagay wuxuuna igu yiri. Soo dhawoow anigaa ku siiyay! Waxaan ku iri, Ma heysto lacag jajab ah wuxuu igu yiri qaado anigaa kuu haddiyeeyay.

Saddex bilood kadib ayey haddana arintii oo kale i qabsatay, isla meeshii, isla wiilkii. haddana mar kale ayuu ii haddiyeeyay, Waxaan ku iri Hore ayaad sidaan oo kale wargeys ii siisay ee adiga ma qof walboo lacag aanan wadan ayaad siisaa? Wuxuu wiilkii yaraa yiri, haa wax siinta farxad ayaan ku dareemaa.

Bill gates wuxuu yiri ereyadaas iyo aragtidii wiilkaas maskaxdeyda ayey ka bixi waayeen.

19.sano kadib mar aan marayo meesha ugu sarreyso oo aan noqday qofka adduunka ugu qanisan ayaan go'aansaday inaan wiilkaas raadiyo oo aan abaalkaas u gudo, koox wiilkaas raadiso ayaan sameeyay, bil iyo

bar raadis iyo xaqiijin ah kadib waxay soo heleen isagoo waardiye ah.

Waxaan iri ma i taqaanaa? wuxuu yiri, haa waxaad tahay Bill Gates. waxaan ku iri sanado ka hor waxaad laba jeer i siisay wargeys haddana waxaan rabaa inaan wanaagaas kuu gudo ee waxaad doonto dalbo, Wuxuu yiri mahadsanid waxba uma baahni,Waxaan ku iri: Waxaan rabaa inaan kuu gudo wanaaggi aad ii sameysay Wuxuu yiri, wanaaggaas ma ii gudi kartid, sababtoo ah anigoo baahan ayaan wax ku siiyay adigana maanta oo wax walba aad heysato ayaad rabtaa in aad ii gudo, mana isku qalmaan balse mahadsanid.

Bill Gates wuxuu yiri ereyadaas ayaa i dareensiiyay inuu iga qanisanyahay, sababtoo ah wax bixinta ugu fican waa midda uu qofka bixiyo isagoo baahan.


 

Suleymaan Guutaale

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...