Ismaandhaafka Xasan Shiikh iyo Axmed-Madoobe halkee ku biyo shubandonaa?

Sunday October 06, 2024 - 11:33:19
hadhwanaagnews
Haddaba, Xasan Shiikh Maxamud iyo Axmed Maxamed Islaam


Horta Axmed Maxamed Islaam waa kuma ??

Axmed-Madobe waxuu ahaa shaqsiyaadka ugu cad-caddaa siyaasada gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo oo leh dekad dakhli badan kasoo xeroodo. Waxa uu ahaa xubin ka tirsan Midowgii Maxaakiimtii Islaamiga, waxuuna madax ka ahaa magaalo xeebeedka Kismaayo ilaa iyo intii ay ciidamadii Dowladdii ku meergaarka ahayd ee uu hogaaminaayey Cabdulaahi Yusuf, Rayse-wasaarana ka ahaa Geedi iyo ciidamo Itoobiyaan ay ka qabsadeed, wuuna ku dhaawacmay dagaalkii looga saaray magaalada Kismaayo, asagoo dhaawac liita ah ayaa waxaa loo qaaday Addis-Ababa, waxaana lagu hayey Hotel Giyon oo lagu daaweynaayey. Muddo ka bacdi, markii Shiikh Shariif Shiikh Axmed madaxweyne ka noqday Dowladdii ku meelgaar ahayd ayaa Axmed-Madoobe waxaa lagu siidaayey wada hadalo uu ku aqbalay inuu xil ka qabto dowladdii Shiikh Shariif laakiin, markuu Somaliya yimid waa diiday xilkii, waana ka goostay dowladdii, waxuuna ku biiray Maleeshiya diimeed Mucaarad dowladda ku ahayd oo magaceedu ahaa XISBI ISLAAM oo uu aas-aasay Daahir Aweys.

2008-dii, Maleeshiyada Raas-kaambooni oo uu hogaankeeda ka mid ahaa, oo ay isbahaysanayeen ururka Al- Shabaab ayaa mar labaad magaalada Kismaayo dib u qabsaday. Muddo yar ka dib, waxaa bilowday loolan awoodeed oo ah gacan ku haynta magalada oo dhexmaray labadii urur diimeed oo hubaysnaa, waxaana xoog kula wareegay Al-Shabaab, Madoobe ciidankiisiina magaalada waa laga saaray, Axmed-Madoobana waxuu gudaha u galay dhulka Kenya, waxuuna gacansaar iyo wada shaqayn la yeeshay dowladda Kenya iyo SUNNA WAJAMAACA.

Sebtemer, 2012, Axmed Maxamed Islaam waxaa u suurtow inuu dib ula wareego magaalo xeebeedkii Kismaayo, asagoo taageero ka helaayey Kenya, Al-Shabaabna si xun baa logu jabiyey dagaalkaa. 15 May, 2013-kii waxuu ku guulaystay dorashadii madaxnimada ee Maamulkii Jubbaland ee la aas-aasay. Dowladdii markaa jirtay ee Xasan Shiikh Maxamud garwadeenka ka ahaa waa diiday inay aqoonsato, dagaal siyaasadeed iyo mid ciidanba waa u adeegsatay siday u burburin lahayd, muddo ka dibna waxaa so dhexgalay IGAD, waxaan heshiis lagu gaaray Addis-Ababa, heshiiskaasna waxaa goob-joog ka ahaa Axmed-Madoobe, Xasan Shiikhna waxaa wakiil uga ahaa Farax Shiikh Cabdulqaadir oo hadd ah Wasiirka waxbarashada ee dowladdaan. 22 August,2019 waxaa mar kale loo caleemo saaray hogaamiyaha dowlad goboleedka Jubbaland laakiin, waxaa taas diiday oo ishortaagay Madaxweynihii dowladda Federaalka ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana dhexmaray dagaal qaraar oo waxba laysula harin, Farmaajana wuxuu ku guulaystay inuu kala gooyo Gedo iyo Jubbaland, Axmed-Madoobana waxaa u suuragashay inuu Farmaajo kursigii madaxweynaha dhaafiyo oo la doorto Xasan Shiikh oo mar dagaal xun so dhexmay.

Haddaba, Xasan Shiikh Maxamud iyo Axmed Maxamed Islaam ma aha laba nin oo aan isqoon, horeyna waa isu tijaabiyeen, soona kala adkaadeen, Maanta waxuu Xasan Shiikh doonayaa siduu u sharciyeysan lahaa in mar sadexaad la doorto, waddo walba waa u marayaa, ciddii isku dayda inay ka hor-istaagtana cadowgiisa buu u arkayaa, waxna u lama haraayo, Axmed-Madooba waa cadowgiis ka ugu daran ee maanta hortaagan.

Axmed Maxamed Islaam, waxuu doonayaa in mar sadexaad asna uu kursiga ku fariisto, waana yaqaan sida loo jabhadeeyo markuu awood ama madaxnimo raadinaayo, wax uu ku doorsanayo waxa u doonayo maanta oon kursiga ahayn ma jirto!

Haddaba, ismaandhaafka labadaan hogaamiye waxay ku danbayndoontaa tan RABI, waxaase cabsi laga qabaa inay isu badasho tafo dhiig leh iyo Xasan Shiikh Maxamud oo mar labaad ku guul-daraysta dagaalkaan laga baaqsan karo, hadduu caqligu shaqeeyo.

Mahamud J. Farah

[email protected]

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...