Sheekada 81-jir tartan u gashay haweeneyda ugu quruxda badan adduunka

Thursday October 03, 2024 - 09:32:54
hadhwanaagtv
Todobaadkaan haweeneydaan 81-jirka ah ayaa masraxa kala...


Kuuriya

Dadka waaweyn ayaa waqtigooda badanaa galiya beerista tacabka, barashada luuqado, iyo waqti la qaadashada carruurta ay waaridka u yihiin.

 

Waxaa kale oo laga yaabaa inaad gasho tartanka quruxda oo heer calami ah, iyada oo ujeedadu tahay inaad isku diyaariso masraxyada moodelka quruxda aduunka.

 

Choi Soon-hwa, ma aysan heysan fikrad ku saabsan tan.

 

Todobaadkaan haweeneydaan 81-jirka ah ayaa masraxa kala soo muuqatay dumar ay ka weyntahay in ka badan kalabar da’deeda, iyadoo ka qeyb galeysa tartanka da'deeda Miss Universe South Korea, waxa ayna rajadeeda tahay inay u soo baxdo kama danbeynta tartanka oo lagu qabanayo Mexico dhamaadka sanadkan.

 

"kadib korinta carruurta iyo shaqo adag oo guriga ah, waxaa haray laba qof oo kaliya, tanina waa marka aad u baahan tahay inaad hesho waxaad rabto inaad sameyso," sidaas ayay tiri haweeneydaan oo hora yuga shaqeyn jirtay isbitaal mar ay la hadleysay BBC-da wax yar ka dib markii ay ka soo baxday masraxa.

 

"Marka aad hesho, waxa ay noloshaada u noqoneysaa tamar dhaqaajisa, waxa ayna kuu horseedeysaa fikrado wanaagsan iyo xiriir caafimaad qaba oo aad bulshada la yeelato, taasina waa mid caawineysa wanaagaaga,” ayay raacisay.

 

Haweeneydaan lagu magacaabo Ms Choi, ayaa qorsheeneysay inay noqoto modal, tan iyo markii uu qof bukaan ah u soo jeediyay inay ku soo baxeyso oo ay tahay inay noqoto xiligaas oo ay jirtay 72-sano.

 

Farriintaas ayaana ku abuurtay kalsooni ah in ay ka qeyb noqoto tartamada quruxda, inkasta oo sanado badan ay la tacaaleysay dhibaato dhanka dhaqaalaha ah, waxa ayna ku sigatay xaalad nololeed oo Qatar ku noqotay iyada iyo qoyskeeda.

 

Sanadihii la soo dhaafay ayay aad caan uga noqotay Kuuriyada Koonfureed, waxa ayna ka soo muuqatay goobaha lagu soo bandhigo moodallada asbuuclaha ah iyo masraxyo loogu talagalay socodka faashiyoonka ah, balse waxa ay caqabad kala kulantay shaqooyinka xayeysiiska ama bandhigyada faashiyoonka ah ee ka baxsan dalkeeda.

 

Haweeneydaan ayaa fursad heshay kadib markii guddiga tartanka quruxda ee Miss Universe, ee dalkaas ay meesha ka saareen xeerar dhanka da’da ah oo horay ugu dhaganaa tartankaan, waxaana horay loo oggolaa inay ka qeyb gali karaan haweenka jira da’da 28-sano ama kayar, fursaddaan ayaa waxaa suurtagalisay in Ms Choi, iyo haween kale oo da’ah ay ka soo muuqdaan walo ay haweeneydaan ahayd qofka ugu weyn ee ka qeyb gala tartanka.

"Waxay ahayd wax aanan qiyaasi karin," ayay tiri. "Dhowr sano, waxaan rajeyn jiray in anigoo dharka xayeysiiya aan heer caalami ah gaaro.

 

"Si kastaba, ma jirin waddo cad amaba cid i hageysa, balse tan iyo markii tartanka quruxda adduunka aysan xaddidaad da' lahayn, waxaan uga qeyb galay aniga oo hadafkeygu ahaa gaaridda heer caalami ah."

 

Iyadoo meesha laga saaray xaddidaadda da'da ayaa tartanka Miss Universe uu sanadahan dambe noqonayay mid casri ah - taasoo u oggolaaneysa inay ka qeyb galaan haweenka la qabo iyo kuwa hooyooyinka keligood ahba.

 

Balse inay ka qeyb gasho ayaa waxay dhalisay dood, sida dadkii ay isla tartamayeen oo la yaabay.

 

"Dadka ka qeyb galay ayaa ila yaabay, markay ogaadeenna inaan 80 jir ahay, way ila dhaceen, iyagoo dhahaya, waxaan rabaa sidaada oo kale inaan u cimriyo," ayay tiri.

 

Waxayna taas gaarsiisay heerka caalamiga ah ee ay rajeyneysay: Ms Choi ayaa soo jiidatay indhaha caalamka.

 

Balse waxa aysan u goyn ayaa ah tikidh ay ku tagto Mexico: Taajka Miss Universe Kuuriyada Koofureed waxaa qaadatay Han Ariel, oo 22 jir ah.

 

Ms Choi si kastaba meesha gacmo maran ma aysan kala tagin - balse waxaa loo aqoonsaday qofka ugu labis qurxoon.

 

"Keliya inaan awooday inaan ka qeyb galo ayaa cajiib ahayd oo sharaf lahayd", ayay tiri, iyadoo intaa raacisay inay rajeyneyso inay tahay qofkii ugu horreeyay ee haween da' ah oo quruxda u tartamaya.

 

bbc/somali
     
Loading...