Dhibka ay leedahay qofka oo aan aqoon u lahayn in qof laga umuliyo iyo Hablaha yar yar wakhtigaaa baranayo.

Wednesday October 02, 2024 - 13:38:49
Hadhwanaag
Qolkii dhalmada ayay xaaskeyga la gashay. Waxaa xigay..

Toban sano ka hor ayay gabadheyda Ayaan ku dhalatay isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho Waxaa umuliso na looga dhigay gabar yar oo aan da'deeda ku qiyaasay 15 jir. Shaki iiga ma jirin in gabadhaas yar ay baraatiko meesha ku qaadaneysay. Waxaan is lahaa umulisada weyn ayay la shaqeysaa oo iyadu waa kalkaaliso.

Qolkii dhalmada ayay xaaskeyga la gashay. Waxaa xigay in aan maqalnay ooyinta canug yar. Anigoo dibadda ku sugayay natiijada ayay gabadhii yarayd i soo ag martay oo igu tiri "gabar ayaa kuu dhalatay". Waxaan weydiiyay "aaway umulisadii". Waxay tiri "aniga ayaa meesha umuliso ka ah". Waan u qaadan waayay runtii oo yaab ayay igu noqotay. Sidee ayay gabar yar oo baraatiko meesha loo keenay u umulin kartaa xaas ugub ah!
Ooyintii canugta yarayd ayaa sii badatay. Markii xaafadda la geeyay waxay billowday in ay hurdada ka soo salasho oo naxdin la soo booddo. Dhakhaatiir badan oo aan u geeyay waxay u arkayeen wax iska fudud. Waxaan xusuustaa dhakhtar lacag aad u badan inta iga qaatay, hadana ii soo qoray hal sharoobo oo xanuun-baabi'iye ah.

Toban sano kadib gabadheyda Ayaan waa naafo. Socod, istaag iyo hadal midna ma jiro. Ilaah ayaa ku mahadsan oo hooyo uga dhigay Hani Ali Osman oo qof naxariis u dhalatay ah. Sidoo kale waxaa tobankaas sano Ayaan dhibka la qeybsanayay habaryarteed Ruweida Ali Othman.

Qisooyinka nuucaan ah annaga keliya nagu ma koobna. Qoraalkaan wuxuu taabanayaa aabbayaal iyo hooyooyin ay carruurtoodii u naafoobeen ama ba ku waayay khibrad yarida ka jirta qaar ka mid ah goobaha caafimaadka.

Waxaa qoray Aabaha Dhalay Gabadhaas yar Cabdirasaaq Xasan Jidhi (Aqwaan).


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...