Belaayo Lama Sahadsade,Barwaaqa Alleh Laga Baryaa,Bashow Rabiga Ka Baqo.

Monday September 23, 2024 - 10:55:48
Hadhwanaagtv
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillah Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B}

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

1-Baroorto Ceesaan Ka Weyne,Maxa Barigii Ku Dhacay,

Burcuunba Lagu Xantaa Budiyo,Tooray Bay Wataano.


 

2-Galbeedku Isbidaan Ilbaxe,Beryahan Dadkiba Bedelan,

Bud-Dhigii Aqoonteena,Borame Looma Babaca Dhigayo.


 

3-Belaayada Ninkii U Baaqda,Baalnaba Uga Baydhi Mayso,

Beelaha Dunidaa Soo Bulkeedshe,Banadi Ayaa U Sheega.


 

4-Beydgaab Aan Waxba Baraniyo,Budhcadu Ha Ku Xogsate,

Beentiiyeey Run Waxay Ku Timidhi,Xagee Baad Uga Baxdaa.


 

5-Butlaanba Cadaysayoo,Boolaxoofto Ma Shaqaynayso,

Baydhaba Laga Baqay Haddeer,Banaadir Xasanow Botori.


 

6-Iyadaa Kug Baaqiyee,Baloodhayso Waad U Baahante,

Bolbol Inta Kala Dhigtan,Baayacun Waxay Ku Jartaba.


Ismail Abdillahi Handuleh.


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...