DEG DEG Magaalada Ceerigaabo oo Socodka Gaadiidka Laga Mamnuucay

Thursday August 29, 2024 - 11:42:50
hadhwanaagtv
Guddoomiyaha gobolka oo ay hareero fadhiyaan maayarka




Guddida nabadgelyada ee gobolka sanaag ayaa kulan degdeg ah oo ay ku yeesheen magaalada Ceerigaabo waxa ay kagasoo saareen go’aamo ay u arkeen in lagu yarayn karo khatarta amni darro.


 

Guddoomiyaha guddida ahna Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa bulshada Ceerigaabo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan adkaynta amniga magaalada islamarkaana ay dejiyaan xaaladda kasoo cusboonatay Magaalada, waxaanu ugu tacsiyadeeyey dadkii ku dhinta shaqaaqada ka dhacday gobolka.


 

Guddoomiyaha gobolka oo ay hareero fadhiyaan maayarka Ceerigaabo iyo saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in la joojiyey isu socodka gaadiidka laga bilaabo afarta galabnimo ilaa todobada subaxnimo , waxaanu qaybaha ciidanka uga degay inay kaxaystaan gaadiidka shacabka, waxana uu yidhib


 

"Laga bilaabo afarta galabnimo waxa la joojiyey isu socodka gaadiidka iyo dhexmarka magaalada gudaheeda ilaa laga gaadho todoba subaxnimo, waxaanu si gaar ah uga digaynaa in ciidanku kaxaysto gaadiid shacab, gaadiidka la arko isaga oo soconaaya dhammaan ciidamada kala duwan waxa ay ku amran yihiin in ay xidhaan oo xareeyaan”

 

 

     
Loading...