Gudoomiyaha Salle loo Ka Jawaabay Eedaymo uu Xukuumadda u Jeediyay Gudoomiyaha Ururka Kaah

Saturday August 24, 2024 - 08:35:33
hadhwanaagtv
Waxa laga yaabaa haddii uu Xariirad xisaabiyihii Xunba..


Gudoomiyaha gobolka Sallel Mawliid Maxamed Nuur ayaa ka jawaabay eedaymo uu xukuumadda u jeediyay gudoomiyaha urur siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasi oo bulshada Xariirad la wadaagay in aan waxba loo qaban oo cashuurtooda la iska urursado.


Gudoomiyaha gobolka Sallel ayaa bulshada degmada Xariirad uga waramay waxqabad la,aantii Maxamuud Xaashi ee wakhtigii uu masuulka aha aiyo sida aanu u garanayn xiligaasi Xariirad iyo dadkeeda.


Gudoomiyaha ayaa xusay in loo baahan yahay qofka raba inuu dadka wax u sheegaa inuu ahaado qof wax badan ka nadiif ah oo dadka wax la wadaagi kara balse ay wax laga xumaado tahay in Maxamuud Xaashi oo toban sano wasiir ahaa, Xariiradna aan wax uu u qabtay aanay jirin inuu yidhaa waxbaan idiin sheegay waxaanu yidhi


" Maalin dhawayd halkan waxa yimi gudoomiyaha urur siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi, halkan inta uu yimi ayuu yidhi reer Xariiradoow waxba la idiin ma qaban, cashuurtiiniibaa la qaataa aadna wuu u qaylinayay, waxa la yaab ah todoba sano ayuu wasiir ahaa ninkaasi todobadaasi sano Xariirad magaceed iska daayoo, maalintii uu ka tagay xilka xukuumadda Xariirad xaruna may lahayn dawladeed, aasaas dawladeedna muu jirin.


Waxa laga yaabaa haddii uu Xariirad xisaabiyihii Xunba wayne iyo Madaarka u dayn lahaa waddo way u samayn lahayd laakiin wax badan baynu og nahay hoos baynu u dhigaynaa balse qofka wax inoo sheegayaa waa inuu ahaado qof saaxadda siyaasada ku cusub oo wax badan ka nadiif ah.


Nin kasta oo Xisbiga Kulmuye inta uu khiyaamay ka tagay ama marka uu Xisbiga Kulmiye yidhi naga joog maanta maalintaadii ma aha’e, waxa uu xaga kale u tagay siu u dadka been iyo cay ugu soo sheego.


Waxaanu idin leenahay ka maamu ahaan iyo ka dawladda ahaan ba annagu waxaanu idin gashanay baanu waxa idin kaga rabnaa, qofka aanu biyo u samaynay waxa aanu leenahay biyihii waanu samaynay, waar intaasaanu qabanay, intaasi waanu qabanaynaaye codka nasii, majirto cidd aanu xoog iyo jujuub codka kaga doonaynaa.”

     
Loading...