Fidan waxa uu carabka ku adkeeyay in heshiis dhexmara Itoobiya iyo Soomaaliya ...
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in dalkiisu uu wado dadaallo aan kala joogsi lahayn oo uu ku doonayo in lagu xalliyo khilaafka hadda ka dhex jira Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo la samaynayo heshiis guud oo ku habboon labada dhinac.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ku sugan Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya la aqoonsado madax banaanideeda iyo midnimada dhuleed, iyo sidoo kale sida ay lagama maarmaanka u tahay in Itoobiya ay hesho marin badeed.
Fidan waxa uu muujiyay in heshiis guud uu u baahan yahay in laga gudbo caqabadaha taariikhiga ah ee culeyska ku haya madaxda labada dal, lagana gaaro go’aanno u adeegaya baahida hadda jirta, iyadoo oo ku micneyay in nuxurka arrintu uu u baahan yahay in si shuruud la’aan ah loo aqoonsado madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaa intaa dheer in Itoobiya baahida ay u qabto badda in lagu gaaro hab nabadeed.
Waxa uu tilmaamay in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin dad aad u badan, ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin ganacsiga badda, taas oo ka dhigaysa gelitaanka badda mid muhiim u ah danaheeda dhaqaale.
Fidan waxa uu carabka ku adkeeyay in heshiis dhexmara Itoobiya iyo Soomaaliya uu ka dhigan yahay muhiimadda koowaad ee Ankara ay siineyso wada hadaladaan ay garwadeenka ka tahay, isla markaana dalkiisu uu la shaqeynayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, ujeedaduna tahay in la gaaro heshiis guud oo qanciya dhammaan dhinacyada.
Waxa uu ku macneeyey in uu arrimahan kala hadlay dhiggiisa dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana uu sheegay in kulankani uu xoojin doono fikradaha iyo soo jeedinta ay soo bandhigeen dhinacyada, isaga oo carabka ku adkeeyay in Turkiga ay ka go’an tahay in ay sii wadayaan taageeradooda si loo gaaro heshiis guud oo ay ku wada qanacsan yihiin labada dhinac uu ula jeedo Soomaaliya iyo Itoobiya si gobolka u noqdo mid xasiloon.