Masar Oo Xad-gudub Ku Tilmaantay Talaabo Ka Dhan Ah Somaliya Oo Itoobiya Samaysay.

Thursday August 22, 2024 - 18:25:20
Hadhwanaag
"waxa ay Masar si dhammaystiran ugu gacan-seydhay tallaabo waliba…"




Hargaysa (HWN) Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Somalia Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda Masar uga mahadceliyey mowqifka cad ee ay ka taagantahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax banaanida Soomaaliya.

 

Shir jaraa’id oo qaahira ka dhacay ayuu  wasiirka arrimaha dibadda Masar Badri Abdelatty ku sheegay in Masar ay gardarro u aragto heshiiski ay wada gaadheen Ethiopia iyo  Somaliland.

 

"Waxa aan u adkaynaynaa dhowridda Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxa ay Masar si dhammaystiran ugu gacan-seydhay tallaabo waliba oo ujeedkeedu yahay mid dhaawacaysa midnimada Soomaaliya iyo bedqabka dhulkeeda, waxa aan sidoo kale markale ku celinaynaa inaan si buuxda u diidannahay is-afgaradka la saxeexay, waxaanan adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax bannaanida Soomaaliya” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Masar.

 

Heshiiska is-fahan ee wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya ee ku saabsan badda ayaynu labada wadan weli si rasmiya usaxeexin.

     
Loading...