Dhibaatada Lagu Hayo Dhalinyarada Taageerta Xisbiga Waddani Waa In La Joojiyaa!.

Thursday August 22, 2024 - 11:27:02
Hadhwanaag
Xadhiga iyo cadaadiska ma joojin karaan aragtida iyo taageerada..
May be an image of 1 person, beard, eyewear and suit

Anigoo ah Guddoomiyaha Dhalinyarada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, waxaan si adag u cambaareynayaa dhibaatooyinka joogtada ah ee ay xukuumaddu ku hayso dhalinyarada taageerta Xisbiga Waddani.

 Xadhiga aan sharciyeysnayn, cago juglaynta, iyo caburinta fikirka waa ficillo aan la aqbali karin oo muujinaya sida xukuumaddu ugu fashilantay inay ilaaliso xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

Xukuumadda waxaa u hadhay dharaaro kooban oo ay xilka hayso, waxaana muhiim ah inay ka waantoowdo ficillada dulmiga ah ee ay ku hayso dhalinyarada. Waxaan u sheegaynaa si cad:

 Xadhiga iyo cadaadiska ma joojin karaan aragtida iyo taageerada dhalinyarada ee xisbiga Waddani. Dhalinyaradu waa mustaqbalka qaranka, mana aqbalayno in loo adeegsado habab cabudhin ah oo aan sharciga waafaqsanayn.

Xukuumadda waxaan u sheegaynaa in hadii ay sii waddo dhibaateynta dhalinyarada, ay sii kala fogaan doonto bulshadeena, Waxaanu u taaganahay ilaalinta xuquuqda iyo xorriyada dhalinyarada, waana waajibkeena inaan u hiilino dhalinyarada ku dhibaataysan rabitaankooda siyaasadeed.

Xukuumadda waxaanu uga digaynaa in ay ka waantoowdo xadgudubyada ay ku hayso dhalinyarada, waxaananu u cadaynaynaa inaanu sii wadayno halgankayaga ilaa inta aan xaqa ka helayno.
Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Gobolka Awdal: Fadxidin Mohamed.
     
Loading...