Dad Masaajid isku Dhaarsaday Haddana Midiyo Isu Haysta Waa Wax Lala Yaabo…."

Thursday August 22, 2024 - 07:59:23
hadhwanaag
Beelaha wada daga degmada Ceel-Afwayn ee gobolka Sanaag



Wasiirkii Hore ee Arrimaha Debadda Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in arrimaha dhinaca colaadaha ee deegaanka Ceel Afweyn ku soo noqnoday ay dhiig bax wayn ku yihiin bulshada iyo qarankaba.


Cabdilaahi waxa uu hoosta ka xariiqay in Xaalada noocan ahi tahay wax aan la qaadan karin islamarkaana ay ceeb iyo meel ka dhac ku tahay bulsho Weynta Ceel-Afwayn ee walaalaha ah. "Anigu muddo dheer ayaan ka maqnaa Ceel afwayn iyo deegamadeedaba oo shaqo qaran baan ku maqnaa, waxa igu maqaalo ah in Sheekh, Shariif, dawlad iyo shacabka Somaliland ay Ceel-Afwayn galisay dhiigbax, dad iyagu inta ay masaajid isku dhaarsadeen misana midiyo hoosta ku haysta waa wax lala yaabo. shacabka reer Ceel Afwayn been baad isku sheegaysan, qarankana been baad u sheegteen, dawaduna waan idinka’’ ayuu yidhi



Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu intaas ku daray in bulshada degaanka Ceel Afwen ay nabada iyo wada noolaanshiyaha iyagu keensan karaan, balse taas badal keeda waxa uu tilmaamay inaanay maslaxad cid kale uga talisay aanay danahoda ku gaaadhayn, waxana uu yidhi "Maanta waxad muujiseen inaad mid tihiin, balse in maalin walba laysa soo hor fadhiisiyo inan iyo abtigii iyo inan walaalkii ay dhibaato wayn tahay’’


Beelaha wada daga degmada Ceel-Afwayn ee gobolka Sanaag, ayaa waxa marar badan ka dhex dhacay colaado sokeeye oo ragaadiyay horumarkii degmada, balse dadaalo badan oo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka iyo xukumadda Soamaliland oo is garabsanaya, ayaa ku guuleystay inay nabadgelyo ka dhex abuuraan.

     
Loading...