Akhlaaqda Iyo Dhaqanka Wanaagsan!

Thursday August 15, 2024 - 09:51:42
hadhwanaagtv
Markiii aanu meel dhexe marayno ayuu dalaayadii laalaabay



Mareegta lagu magacaabo "Makes Me Think” ee qoraalka sheekoyinka kooban ay ku soo bandhigaan Mr.Mark iyo Angel ayaa sheekadan lagu soo bandhigay :


 

" Markii maanta aan doonayay inaan ku noqdo gurigayga waxaa soo da’ay roob weyn, laakiin waxaan la kulmay nin da’ ah oo sita dalaayad weyn, waxaana aanu noqonay isku jiho anagoo waddo isku mid ahna wada qaadnay, Dalaayadii ayuu iigu yeedhay inaan roobkaka wada galno, aniguna waan aqbalay.


 

 

Markiii aanu meel dhexe marayno ayuu dalaayadii laalaabay, markaasi ayuu igu yidhi " Aniga waan kan gurigaygii waana aan kaa baydhayaa” , waxaan daremay niyad xumo madaama uu weli roobku da’ayo, laakiin isla markiba waxa uu igu yidhi : ”


 

Hoo qaado adigu aniga gurigaygan ayaan gelayaa, hadda baahi iima hayso aniga, waxaana aan u laalaabay si aad u aragto, qaabkeeda haddana kala furato, oo aanay ku dhiibin”. Waxaan ugu jawaabay " Mahadsanid” . Waxa qofka kasta u wanaagsan in uu dareenkiisa naxariista ka shaqaysiiyo wakhtiyada loo baahan yahay.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...