Askariggii Oo Bari U Diray Geenyo-Shaaximan, Ina Baandare Iyo Bakhti-Dhego-Weyn ( Abdi-Shotaly).

Saturday August 10, 2024 - 14:10:22
Hadhwanaag
* N.B Biyo Gorore Oo Is-Bahaysiga Bay Isugu Tageen.
No description available.

Dhawaan shir lagu qabtay guriga " Xaafad-Tooyadda" oo uu askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Isugu yeedhay kuwa ugu tunka waaweyn shaqaalihiisa " Digsi-Xagato iyo Jin-digaagay " ( waa kuwa uu ku magacaabo wasiiro'e), ee ka soo jeedda Goboladda Bari, 3-da laabta beenta iyo khiyaaliga ugu garaaca ee ku yidhaaha " Togdheer iyo Bari " Anakaa kuu hayna ee wax ha waydiin Is-Bahaysiga, wax-ba ma hayaane. Wuxu askarigu si cadho leh ugu sheegay " Geenyo-Shaaximan, Ina-Baandare iyo Bakhti-Dhego-Weyn" Wixii aad igu maaweeli-nayseen, ee aan xilalka idiinku dhiibay waxay ahayd, oo aynu ku balanay " In aad beelaha aad ka soo jeedaan kala jebisaan, isku dirtaan oo cadaawad dhex dhigtaan, oo u kala sheekay-saan si aanay isu-aaminin, oo ay u kala irdhoobaan, oo aan uga dhex faa'iido, ee waa igu sii darteen, waayo dani iiguma jirto is-faham-koodda.

Inaka oo sidaas heshiis ku ahayn, baa wax weyni iska bedeleen heshiiskii, sababta oo ah faro idiin-kuma jiraan Goboladda Bari, oo waad iiga si darteen. Waxana sir-doonka hoose ee beeluhu soo weriyeen, in aad sugay-saan oo keliya, idinka iyo qaar kaloo badani-ba, maalmaha ugu dambeeya in aad is-casishaan, ee hadeer durbaan haraggii ka qoyey oo bilaa sanqadh ah baad ii tumaysaan, maxaa si ah? Runta aynu is-taabsiino'e. Waxay idinka qabsatay hadaad tihiin Bakhti-Dhego-Weyn iyo Ina Baandare, in aad kolba 4 ii keentaan aad xoolo igaga urursa-taan, kuwaa oo hadhaw iga foodi doona, Geenyo-Shaaximana uu kolba " Xafaladaha Reekayga" iyo Hargeysa uu dhaafi kari waayo, waayo wuxu wejiga siin kari la'yahay beeshiisii oo dhabarka u jeedisay.

Akhristaw sababaha uu maamulka askartu uga warwa-reegaayo in uu Goboladda Bari tago, wax kale maaha, ee waxa si toos ah iyo xoog-ba leh uga fasamo maroojiyey 2-da nin ee ku bahoobay Is-Bahaysiga kala ah Gudoomiyaha Xusbiga WADDANI, Mudane Xirsi Xaaji Cali iyo Mudane Maxamuud Xaashi oo ah Gudoomiyaha Urursiyaa-sadeedka KAAH. Is-bahaysigani wuxu salka u dhigay, in Beelihii Reer-Bari ee la isku khuukhin jirey, ee uu cadaawadda maamulka " Xaafad-Tooyadda" ku dhex abuurey ay meesha ka baxdo. Arintan oo fidh-fidhka uga goysay Maamulka Qudhmiye, xididadna uga saartay Bari Uun maahee dhamaan dalka goob kaste oo aad eegto-ba Waa laga faraxashay Qudhmiye. Waxan ku soo xidhay maqaalkan, Maah-maahdii ahayd " Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageene" Ummaddii Reer S/Land siday u dhamayd, Gobolka, Degmo, tuullo, qurbe iyo gudaba waxay ku qulquleen siddii biyahii godka ku wadda shubmay, kaas oo Ah is-Bahaysiga Xusbiga Waddani Iyo Urursi-Sadeedka Kaah. Taasina waxay xaqiijisay in Ucidka Faysak Zaad, Qudhmiye iyo maamul-kiisu intuba ay saaxadda siyaasadda ka bixi doonaan, soona baxayaan bedel-koodda Waddani, Kaah iyo Hilaac.

* N.B Biyo Gorore Oo Is-Bahaysiga Bay Isugu Tageen.
Qore:-
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...