Xildhibaanadeenii Xiradoodii Diidee,Haddaanay Xasilahayn,Xasan Sheekh Ha Adaan.

Thursday August 01, 2024 - 10:01:36
hadhwanaag
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillah Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

Xaabo Iyo Xashiish Baynu,Soo Xulanay Shalate,

Xoola Lagu Khasaaro,Xaraashba U Meel Yaale,


Xaal Sidan Haddu Yahay,Dooni Mayno Xeerdumin,

Xunbo Daad Ma Noqte,Xal Degdeg Ah Ka Gaadho,


Xeerarka Iyo Distoorko,Xisaabta Lagu Saleeyaa,

Xurmo Qaran Ku Yeeshaa,Xaafadaad Ku Noqoten,


Xisbigan Urur Ku Biiraaya,Xeelad Uguba Weeyaan,

Xaq Dara Horseed U Tahay,Xulufadaad Samayseen,


Xornimada Iyo Xalaashay,Xulashadu Ku Wacantaye,

Xanaaqa Iyo Xasaraduhu,Wuxun Bay Ka Xumeeyaan.


Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...