Bismillah Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Waxba Adiga Oon Dhimin,Waxana Maad U Dhaafine,
Dhirbaaxaad Ku Jiidood,Dhego Hadday Ku Yaalan,
Amase Dhaayo Leeyahay,Dhulka Inuu Ka Dhoofiyo,
Dhuumasha Ku Waajib Ah,Dhagar Qabaha Qaawane,
Dhidarkii Xaabaal Qoday,Qudhunbu U Dhaadhacay,
Dhalashada Dameerkuba,Dhaqaaqiisa Ka Horbuu,
Dhuusadu Bilaabaayoo,Loona Soo Dhawaan Karin,
Dhawaaqiisa Qaawane,Marnaba Yaanu Idin Dhibinoo,
Dhidar Onkod U Kiciyaye,Waxaba Ha U Dhegtaagine.
Dhabanaanis Hadalkaagu,Ku Dhamaysay Wuxu Yahay.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!