Hargaysa (HWN) Hooyo
Xaliimo Yuusuf waa 70 jir ah , maanta ayay dhammaysay Qur’aanka Kariim ah,
xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo
guddoonsiiyay Shahaada, ayaa qoraalkan ku cabiray dareenkiisa la xidhiidha
hooyadaasi da’da ah haddana ku dedaashay barashada kalaamka Allah.
"Hooyo Xaliimo Yuusuf
waa Hooyo 70 jir ah waxa aan guddoonsiiyey shahaado sharaf iyo kitaabka qur'aanka oo barashaddiisa ay Markaska
Raxma Alkheyri ka dhigatay, Markaskan waxa dhisay Ganacsade Maxamed Saciid
"Dahab-shiil".
Dahabshiil waa Astaan
dunidu ku garato Somalida waxaanan ku ammaanay dadaalka diinta Alle uu galiyey
iyo sida uu dadka danyarta ah ugu dhisay Markaskan oo macallimiintiisa
mushaharkooda siiyo ALLE ha barakeeyo Xaaji Maxamed Siciid iyo Shirkaddiisa
Dahab-shiil oo dadaal weyn galisay diinta Alle barashadeeda Hooyo Xaliimana
Alle ha barakeeyo.”