Faisa Faarax Suusle Oo Raaligelin Ka Bixisay Hees Somaliland Ku Amaantay Axmaarada.

Friday July 05, 2024 - 07:35:37
Hadhwanaag
"Kulmiye iyo wixii meesha Fadhiyey waxaan Odhan kara…"

 



Hargaysa (HWN) Faiza Cheif Caaqil, Farah Suusle oo la soo xidhiidhay shabakada Hadhwanaagnews ayaa shacabka Somaliyeed ka raaligelisay hees dhawaan uusameeyay Abwaan reer Somaliland ah, heestaasi oo lagu ammaanayay shacabka Itoobiya, isla markaana heesta lagu dhaliilay shacabka Somaliyeed ee ku kala nool Garoowe iyo Muqdisho.

 

Dhinaca kale Faiza ayaa eedo ujeedisay xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye iyo Xukuumadiisa

 

Faiza Faarax Suusle ayaa qoraal ay ku la soo xidhiidhay Hadhwanaag uu uqornaa sidan:-

 

"Ummadda Somaliyeed, waxaan ka raali galinayaa (( HEESTII Dhaawac u geysatay qof kasta oo dhagaystay!

 

Axmaar, Sida Nabi Mohamed S.C.W, uusheegay wuxuu yidhi Kacbada waxaa ku soo duuli Nin AXMAAR ah subxanalla!!

 

Kulmiye iyo wixii meesha Fadhiyey waxaan Odhan kara waxay la’midyiin AXMAARKA ay ku raaxaysanayeen!

 

Abwaanka heesta sameeyey La’ yaabi maayo Quud ayuu ka raadiyey, Alle ha’ soo ha’deeyo,

 

Waxaase ka sii daran kuwa dadkaa, Doorasho ka sugaaya Ama Madax iyo Dawlad ku sheegaya!

 

Mar Labaad, waxaan Xaal Buuxa ka Bixinayaa, Aniga oo ka soo Jeedda, Qoys jecel Somaali ahnna, Afkoodana ku hadlaaya , Abwaanadda, Aqoonyahanadda, Macalimiinta , Bulshadda Afka Barra Xaal Buxa!” ayay qoraalkeeda ku soo gaba-gabaysay.

 

Heestan ayaa markii ay soo gaadhay shacabka Somaliyeed dood ka dhex dhalisay, taasi oo shacabku ku qaadaa dhigayeen baraha Bulshada.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

 

     
Loading...