Badhtamaha Hayaanka Nolosha

Monday July 01, 2024 - 15:51:19
hadhwanaag
Noloshu tartan ma ahan aad kula jirtid cid kale garsoorna


Noloshu waa marxalado kala gaddisan, midiba midda kale inagu simayso si aanu halkaas uga sii amba-qaadno, geeddiga bar-dhamaadkiisu inaga daahsoonyahay innagoo ku gawracan la-harjadka duruuf kasta oo inala soo gudboonaata inta aan ku jirno safarka xaqiijinta yoolkeenna.

Mid ka mid ah waxyaabaha nolosha xiisaha iyo dhadhanka baahiqabka inaan sii noolaano u yeelaa waa in si walba oo ogoolkeenu u sarreeyo aynaan saadaalin karin mustaqbalka! Heer mararka qaarkood aad jeclaysanaysid "tolow yaa mar un ilbiriqsiyo kooban hummaag kaa siiya nafsaddaada mustaqbalka!” Xaggee ku dambayn doontaa 10 ama 20 sano kadib?!

Haddii lacalla aad la nooshahay dareenka nafsadeed ee ku dareengaliya inaad aad uga dambaysid halkay ahayd inaad joogtid ama sannado kaa khasaareen oo qayrkaa halkay hayaankoodi marinayaan kaagu gaabis uga yahay, ogow oo dareenkaasu waa mala’awaal xaqiiqda aan sal iyo raad ku lahayn!

Noloshu tartan ma ahan aad kula jirtid cid kale garsoorna ma jiro kuu sheegi kara in maanta halkaad maraysid ay dambayso ama horrayso. Safarkaagu waa mid adiga kugu kooban, arrinta se muhiimadda ah waa inaan kuu dhabeeyo inaysan jirin sanado kaa khasaaray oo mudan qoomamiyo ciil inay ku dareensiiyaan.

Dunida rag baa soo maray astaan looga dhigo guusha, maamuus iyo milgana ku dhex leh kutubta taariikhda aadanaha lagu weeleeyo "Ogow oo taariikhdu waa cibar mudan in wax laga barto.”

Nelson Mandela, madaxwaynihi South Africa, hoggaamiye ruuxiya iyo mid kamida dadki dunida soo maray kuwoodi ugu saamaynta badnaa, taariikhda aadanahana baal-dahaba ka galay, haddana xabsi ku qaatay labaatan iyo toddaba sano oo noloshiisa kamida! Ma kula tahay xabsiga dhexdiisa inu ku fakarayay markuu ka soo baxo inu madaxweyne noqon doono?! Sidee se dareemi lahayd haddii qof xabsi ku xiran ku oran lahaa markaan meeshan ka soo baxo baan madaxweyne noqonayaa?! Weliba gabayga aan bayd kuugu daree xabsi abadi ah buu ku xukumnaa!

Nuxurka qoraalku waa inaan marnaba godka dhammaadkiisa ilayska laga arki karin, noloshana aynu keliya hiigsi iyo yoolal yeelan karno ee marnaba aynaan arki karin dhammaadka hayaankeenna, suurada iyo malaha aynu ka haysanno ka qurux badnaan karto, ku bilaaban karto rajo keliya aan daw iyo waddo loo maro toona aynaan garanayn, ku soo gabagaboobi karto hanashada riyooyinkeenna idilkood.

Waad gaarin heer waaqica noloshaadu ka qurux badnaado riyooyinkaaga iyo khayaalkaaga ugu quruxda badan, hayaankaagu waxa uu ku jeedaa guryasamo, geeddigana halkaad ku furi lahayd waa weli.

 


 
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...