Ururka ONLF Oo Ka Hadlay Codbixinta Doorashooyinka Itoobiya Iyo Natiijooyinka ka Soo Baxa

Wednesday June 26, 2024 - 08:42:06
Ururka ONLF Oo Ka Hadlay Codbixinta Doorashooyinka Itoobiya Iyo Natiijooyinka ka Soo Baxa
Hargeysa(HWN):-Afhayeenka Ururka ONLF Cadaani Hirmooge oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka ururka ayaa ka hadlay sida uu ururkiisu u arko Doorashadii ku celiska ahayd ee maamulka magaalada Jigjiga oo Axaddii aynu soo dhaafnay ka dhacday magaalada Jigjiga, taas oo ay ku tartamayeen dhowr xisbi oo uu kamid ahaa Ururka ONLF.

Ugu horreyn Caddaani Hirmooge waxa uu sheegay in ay u dhacday qaab saxan, waxa kale oo uu sheegay in ONLF ujeedada ay doorashadan ka lahayd uu ahaa inay muujiso awoodda ONLF ay ku dhex leedahay shacabka, iyo waliba in xisbul xaakimka degaanka Soomaalida ee Barwaaqo ay ONLF tusto in lala tartami karo, waa siduu hadalka u dhigay Caddaani Hirmooge Afhayeenka Ururka ONLF.

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in Doorashadaasi ay dhinaca kale lahayd galdaloolooyin gaar ah, isagoo sheegay in dowladdu ay gaadeedkeeda u isticmaalaysay inay dadka kasoo ururiso cidhifyada magaalada Jigjiga, si ay ugu codeeyaan Xisbiga Barwaaqo ee haya hoggaanka Dowlad degaanka Soomaalida, iyo waliba in shaqaalaha xafiisyada Dowladda lagu amray in qofkii aan u codeyn xisbiga Barwaaqo uu waayayo shaqadiisa, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka Ururka ONLF.

"Doorashada marka la cod bixinayay anagaa ka dad badnayn, laakin marka la istiriyo ee u dambeysa ee tirinta lagu dhawaaqayo unbay PPdu badan marka la codeynayana ONLF ayaa badan, bal adigu si dhe qof markaad suuqa joogto aad ka badan tahay oo Degmooyinka markii la joogo aad ka dad baddan tahay, markii codaynayo aad ka badan tahay, kolka la tirinayana kaa badan".

Hadallada kasoo yeeray Afhayeenka ONLF ayaa kusoo hagaagaya xilli maalin kahor ay magaalada Jigjiga ka dhacday Doorasho ku celis ahayd, doorashadaas oo dib looga dhigay doorashadii guud ee hadda ka hor ka dhacday guud ahaan dalka Itoobiya, doorashadan ayaa xilligaas dib loodhigay kaddib markii xisbiyada mucaaradku ay maamulka degaanka Soomaalida ku eedeeyeen inay si gaar ah ugu shubteen codadkii xilligaas.

Doorashadan Axaddii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Jigjiga ayaa waxaa ku tartamayay saddex xisbi iyo tartamayaal madax banaan, waxaana laga rabaa inay kusoo baxaan toddoba musharax oo baarlamaanka degaanka Soomaalida kumatala magaalada Jigjiga.

Inkastoo aan wali lagu dhawaaqin natiijada doorashadan haddana waxaa durba kasii qaylyaya natiijada soo bixi doonta xisbiyada mucaaradka oo ONLF ugu horreyso, halka xisbul xaakimku uu sheeganayo natiijooyin hor dhac ah oo sheegaya inuu isagu kusoo baxayo doorashadan ka dhacday magaalada Jigjiga, laakiin warkaas ma aha mid ay xaqiijinayaan Warbaahinta madaxa banaan.




     
Loading...