Itoobiya Iyo Jabuuti Oo Gaadhay Heshiisyo Cusub Oo La Xidhiidha Ganacsiga Iyo Dhaqaalaha

Tuesday June 25, 2024 - 07:33:47
Itoobiya Iyo Jabuuti Oo Gaadhay Heshiisyo Cusub Oo La Xidhiidha Ganacsiga Iyo Dhaqaalaha

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya, Taaye Askasilaase, ayaa maantabooqasho rasmi ah ku gaadhay dalka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, ayaa intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti, waxaa uu kulamo la qaatay dhigiisa Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Labada dhinac, ayaa wadahadal ay yeesheen, waxaa ay diirada ku saareen sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo ka wadashaqeynta sidii wax looga qaban lahaa arrimaha muhiimka ah ee gobolka.

Waxa kale oo ay ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa danaha labada dhinac ee dhaqaalaha iyo ganacsiga, iyo waliba fududaynta adeegyada dekedaha.





     
Loading...