war DegDeg Ah:- Siyaasi Cismaan Cumar Dool Oo Hadda Boolisku La Baxeen Iyo Maxkamada Loo Diyaarinayo

Saturday June 22, 2024 - 01:04:59
war DegDeg Ah:- Siyaasi Cismaan Cumar Dool Oo Hadda Boolisku La Baxeen Iyo Maxkamada Loo Diyaarinayo

Siyaasi Cismaan Cumar Dool oo u xidhan Muuse Biixi ayaa hada laga soo qaaday xarunta dembi baadhista ee magaalada Hargeysa.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska ayaa ii xaqiijiyey in siyaasi Cismaan Cumar Dool hada lagu soo xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa iyada oo la geeyey qolalka aadka u adag.

Sidoo kale saraakiishani waxay ii xaqiijiyeen in bari sabtida marka ay saacadu tahay 8 subaxnimo la geyn doono maxkamada gobolka Maroodijeex, waxaanay sheegeen in la diyaariyey ciidamo badan oo loogu tala galay inay sugaan amaanka maxkamada kuwaas oo ah ciidamada ka hortaga rabshadaha.

Ilaa lama xaqiijin eedaymaha loo haysto siyaasi Cismaan Cumar Dool ee maxkamada lagu horgayn doono maalinta sabtida ah.

No description available.

     
Loading...