Somaliland iyo Maraykanka oo kulan ka Yeeshay Nabadgelyada iyo Arrimaha Doorashooyinka.

Thursday June 20, 2024 - 08:03:40
hadhwanaagtv
"WasiirkaWasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed


 Somaliland iyo Maraykanka ayaa kulan ka yeeshay isla markaana ka wada hadlay arrimaha nabadgelyada iyo geeddi socodka dimuquraadiyadda Somaliland ka hir gashay mudadii ay la soo noqotay qarannimadeeda.


 

 

Wefti ballaadhan oo ka socda dalka Maraykanka oo booqasho rasmi ah ku yimi Somaliland,ayaa kulan la qaatay Wasiirka wasaaradda arrimaha gudha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyeyaasha ciidamada kala duwan.


 

Kulankaa ka dib waxaa war qoraal ah ka soo saartay waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxda Somaliland iyo Weftiga Kongayska Marayanka ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliand.


 

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudha oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Dawan,ayaa u dhignaa sidan.


 

 

"WasiirkaWasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayaan Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha mubaarik Axmed Cali ayaa kulan Ballaadhan la qaatay wefti ka socdey Dalka Mareykanka, kuwaasoo booqasho rasmi ku jooga Dalka Somaliland.


 

Weftiga ka socda Congresska Mareykanka ayaa Somaliland u yimi si ay u ogaadaan Horuumarka socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabad-gelyada ka hirgeshay Somaliland 30 kii sano ee u danbeeyey ee Dalku xorriyaddiisa la soo noqday.


 

Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayuu Wasiirka iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan weftiga siiyeen warbixin ku saabsan Somaliland.

     
Loading...